(FAALLO): Xarig-jiidkii Shirka Maamul-u-samaynta Goballadda Dhexe oo xaal-mastuur lagu xalinayo

Tan iyo markii ay Musharaxiinta iyo Ergooyinka Beelaha ku wada nool Goballadda Dhexe ay isku tageen magaalladda Cadaado ee Xarunta Dhexe u ah Maamul-gobaleedka Ximin iyo Xeeb, waxaa aad u soo if baxay Is-jiidjiid, Khilaaf hoosaadyo, is-xulafaysi, dhismaha Guddiyo Farsamo iyo xaallado kale.

Khilaafyo xooggan ayaana ka dhacay Madasha Shirka, iyadoo ay Ergooyinka Beelaha badankooda saluug ka muujinayaan habsami-u-socodka Shirkaasi looga dan leeyahay in lagu dhiso Maamul-gobaleedka Bartamaha Somalia.

Kaalintii Dowladda Federalka ayaa habacsanaan ka jiray, waxaana lagu dhiiraday in lagu durduriyo Guddigii Farsamo ee ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federalka soo idmatay.

Musharixiinta iyo Madaxda Maamul-gobaleedyadda ka dhisan Goballadda Dhexe ayaa ka biyo-diiday qaabka au wax u socdaan, iyadoo Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Jeneral Cabdi Qeybdiid ku goodiyey in ay iskooda u samaysan doonaan Guddi, waxaana uu iclaamiyey Xilliga ay Doorashadda qaban lahaayeen.

Laakiin, xaalladda ayaa haatan u muuqata in la yara qaboojiyey, iyadoo uu Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federalka ee Xukuumadda Somalia, C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa shalay ka qeyb galay Kulan u muuqday xal—u-helida Khilaafka harreeyey Shirka Cadaado.

Kulankaasi oo ka dhacay Deegaanka Gidheys ee duleedka Cadaado ayaa u muuqday mid qaab ahaan u ekaa Habkii ay Soomaalidii hore ay Shirarka iyo Garta ugu qaadi jireen Geedaha Hoostooda.

Shirkaasi oo la isku turxaan bixiyey, ayaa waxay Wasiirka iyo Ergooyinka wada saxeen dhamaan waxyaabihii la kala tebanayey, iyagoo isku waafaqay in la xeer-toosiyo qaladaadka muuqda.

Heshiiska noocaasi ee Xaalka mastuurka ayaa la rajeynayaa inay dhabaha u xaaraan Taabagelinta Shirka Maamul-u-samaynta Bartamaha Somalia, waxaana la filayaa in laga gudbi doona caqabadah Isbaaradda Siyaasadeed ee horey u ragaadiyey habsami-u-socodka Shirka Cadaado.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysna in weli loo baahan yahay in Shirka Cadaado loo gurmado, lana dardargeliyo sidii ay dadka Deegaanka u dooran lahaayeen Madaxweyne iyo Gole Barlamaan oo ay iksu waafaqsan yihiin.

Musharixiinta Xilka Madaxweynaha ee Maamulka Bartamaha Somalia ayaa iyagana lagala kulmi karaa caqabado iyo Is-jiidjiid kale, waxaana adkaan doonta in la doorto Madaxweyne la isku wada raacsan yahay, maadaama ay Musharxiinta u taagan xilkaasi yihiin kuwo Xeellad-yaqaan u ah Kasbashadda Codadka Dufanaysan.

Waana Nidaam u caado ah Soomaalida inuu Musharax kasta doorbido inuu Kharaj u adeegsado si loo doorto, iyadoo dadka wax doorta ku xisaabtamaan inay codkooda siiyaan Musharaxa ugu dufanta wanaagsan..

Si kastaba ha ahaatee, haddii Xarig-jiidkii Shirka Maamul-u-samaynta Goballadda Dhexe lagu xaliyey Xaal-mastuur sidee lagu xalin doonaa cabashadda Beelaha looga tirada badan yahay Goballadda Dhexe oo iyagu isku arka kuwo ku dulman Shirka Cadaado?

Waa xaallad aan garowshiyo lahayn, haddii ay jiraan dulmiga noocaasi ah, illayn awood-qeybsiga siyaasadeed ee 4.5 ayaa u aabe ah dulmiga loo arkay Xaal-mastuurka.

  1. Ustaad Nuradin Abokor Ahmed

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor