FAALLO:- Xamaasadda Loolanka Siyaasiyiinta ee Xulashada Caasimadda Maamul-gobaleedka Sh/Dhexe iyo Hiiraan

Hiigsiga Siyaasadeed, Ololaha Maamul-u-samayanta iyo Mowjadaha Kacsan ee Hamiga Beelaha ayaa waxay si xooggan u soo shaac baxeen, kadib, markii la isla gartay Mashruuca Federalismka iyo Dhismaha Maamul-gobaleedyadda.

Xusul-duubka Odayaasha Dhaqanka ee Hawlihii Kaabo Qabiilnimadda ku sii darsaday Xulayaasha Siyaasiyiinta Beelaha ee ku biiraya Golayaasha Maamulka min Heer Beeleed ilaa Heer Qaran ayaa la rumeysan yihiin inay abuureen Mabda’a  xarig-jiidka Beeleed iyo in lagu gorgortamo Beel ahaan iyo Deegaan ahaan.

Waa Oraah caan baxday “Kulayl iyo Qabow midna iguma hayso”, waana Hal-qabsi inta badan ay cuskadaan Odayaasha Dhaqanka ee loo yaqaano Ex-Koofi Saliid, kuwaasi oo Firfircoonidooda aad looga  dareemay magaalladda Muqdisho bilowgii Sannadihii 90-aadkii ee ay colaaduhu sida carcar leh ku socdeen.

Odayaasha waxaa xilligaasi Mashruuc u ahaa inay ku gorgortaamaan Magta dadka ay Beelaha iska dilaan, La-yaabna ma lahayn inay Bac madow oo lacag coosh ah laga buuxiyey dhexda dhigtaan, iyagoo aan danba ka gelin Qoysaska ay ka tagaan Marxuuminta la dilay.

Haatan, xaalladu sidii hore ma aha, waxayna Odayaashu arkeen, dhadhamiyeen, ka hari la’ yihiin inay hayinka u qabtaan Hawlaha Siyaasadda iyo Xulsahadda dadka xubnaha ka noqonayo Maamulladda la dhisayo.

Gurxan Siyaasadeed loo mideysan yahay ayaa waxaa uu beryahan saameeyey Qorshaha Maamul-gobaleedka Sh/dhexe iyo Hiiraan, waana tan keentay inay Odayaasha iyo Xildhibaanadda Beelaha wada degga Goballadda u xusul-duubaan, u ololeeyaan, ku awr kacsadaan Dhismaha Maamulkaasi iyo Caasimadda cusub ee Maamul-gobaleedkaasi haatan farsamadiisa gunta hoosta laga soo dhidbayo.

Waa Aragti Dimuqraadiyadeed oo lagu larayo  Damac Beeleed qaabka haatan diiradda loo saarayo, iyadoo Siyaasiyiinta, Xildhibaanadda iyo Odayaasha Beelaha wada deggan Hiiraan iyo Sh/dhexe ku jiraan Tartan Siyaasadeed xanaasadeysan, si ay Koox waliba guul uga gaarto Caasimadda Dowlad-gobaleedka ay ku midoobayaan.

Shir looga arrinsanayo Maamul-u-samaynta Goballadaasi ayaa waxa uu bishii May 1-dii ka furmay magaalladda Beled-weyne, si ay Beelaha uga wada tashadaan Dhismaha iyo Awood-qeybsiga Maamulkaasi.

Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre, Ambassador C/llaahi Maxamed Cali Sanbalooshe, Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan, C/fataax Xasan Afrax ayaana ka mid ah Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobalka Hiiraan ee u ololeynayo inay magaalladda Beled-weyne noqoto caasimadda Dowlad-gobaleedka cusub.

Laakiinse, Siyaasiyiinta Reer Sh/dhexe oo ay hor-boodayaan Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali, Xildhibaan Cumar Filish iyo Guddoomiyihii hore ee Gobalka Sh/dhexe, Eng. Cabdi Jiinow Calasow iyo Siyaasiyiin kale ayaa iyagana u xusul-duubaya inay magaalladda Jowhar noqoto caasimadda Dowlad-gobaleedka cusub ee la wada arrinsanayo.

Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo isaga lagu tilmaamo Xildhibaan Khabiir ku ah Mooshinadda doodaha kulul ka dhex abuura Barlamaanka ayaa ka fekerayo Qorshaha ay Magaalladda Jowhar ku noqon karto Caasimad-gobaleedka haatan ay ku mashquulsan yihiin dadka wada deggan Goballadda Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Ololaha loogu jiro Xulashadda caasimadda Maamulkaasi ay gaartay Figtii ugu sarreysay, isla markaana laga dareemayo Loolan Qabiil oo dahsoon oo lagu gorgortamayo Hab Nabadeed.

Waxay Siyaasiyiinta labada dhinac bilaabeen inay isku garbiyaan Villa Somalia, si ay Madaxda Dowladda ugu qanciyaan, uguna meel-marsadaan   qorshahooda caasimad-gobaleedka iyo Aragtiyaha kale ee loo soo bandhigo.

Si kastaba ha ahaatee, Xamaasadda Loolanka Siyaasiyiinta Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa u muuqata mid muran adag ka dhalin doonta qaabka loogu dhawaaqayo magaalladda loo xulanayo Caasimadda Maamul-gobaleedka Sh/Dhexe iyo Hiiraan.