Faallo: USA oo Dib usoo Celisay Howlgalkii Somalia

Wasaraadda Arrimaha Dibedda Mareykanka, ayaa shaacisay in ay dib ubilaabeyso  Howl-Gallada Diblomaasiyadeed ee  Mareykanka ee Soomaaliya.

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, ayaa waxaa lagu cadeeeyay in Mareykanka ay ka go’antahay dib usoo celinta xiriirkii Diplomaasiyadeed ee soomaaliya, kadib markii ay si rasmi ah u aqoonsatay dowladda federaalka Soomaaliya, 17-kii bishii January ee 2013.

Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in shaqaalaha ka shaqeyndoona, howgallada cusb ee Mareykanka ee soomaliya,  aya saldhig ka dhigan doonaan, safaarad Mareykanka ee magaalada Nairobi ee caasimada dalk Kenya, waxaana hogalladdaasi hogaamin doona chargé d’affaires tan iyo inta uu Madaxweyne Obma uukasoo magacaabi doono ayna ansixin doonaan Sanadka Mareykanka Ambassador-ka rasmiga ah Mareykanka ugu shaqeyn doona Somaliya.

Wasaraadda Arrimaha Dibedda Mareykanka, ayaa shegtay in Saraakiisha Mareykanka ay sii wadi doona socdaallada ay ku tagi doonaan Soomaaliya si ay shaqooyinkooda rasmiga ah u gutaan, sida ay hadba xaaladda ammaan u ogolaato, sida ay sheegtay Wasaarradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka.

Dowlada Mareykanka, ayaa qoonsatay soomaliya bishii January ee sanadkii 2013. Kdib markii uu xoghayaha arimaha dibada ee dalkaasi Jonh Kerry uu ku dhaqaaway qorshayaasha dib u abuurida xiriirka Diplomaasiyadeed ee somaliya, goortii uu booqday magaalada Muqdishu bishii May.

Mr Kerry, ayaa noqday xoghayihii ugu horeeyay ee Mareykan ah oo booqasho ku taga soomaaliya, waxaana saacado uu garoonka diyaarada ee Aadan Cadde international Airport uu kula kulmay Madaxda dowlada Somaliya iyo Hogaamiyaasha dowlada Goboleedyada Somaliya qaarkamid ah.

Dowlada somaaliya ayaa dhankeeda soo dhaweyna howgallada cusub Mareykanka ee soomaaliya, sidoo kalena ka mahadnoqday warka kasoo baxay wasaarada arimaha dibada ee dalka Mareykanka.

25 Febraayo 2015, Madaxweyne Obama ayaa safiirkii ugu horreeyay ee mareykan ah u magacaabay Soomaaliya tan iyo sandkii 1991.

Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in tallaabadaasi ay ka turjumeyso xiriirka qotoda dheer ee uu Mareykanka la yeelanayo Soomaaliya iyo waliba horumarka Soomaaliya ay ka gaartay in ay ka gudubto colaadda socotay muddada labaatanka sano ka badan.

Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka waxa ay sheegtay in ugu dambeyntii ay rajaynayso in ay dib u furto safaaraddii Mareykanka ee magaalada Muqdisho marka ay xaaladda ammaan hagaagto.

Safiirka cusub ee Mareykanka uu u soo magacaabay Soomaaliya Katherine Dhanani ayaa aheed diblumaasi khibrad dheer u leh arrimaha Afrika.

 

Balse Toddobaad kadib, markii uu Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka, John Kerry uu booqasho mar-la-arag ah ku yimid magaalladda Muqdisho, waxaa si kedis ah isku casishay Danjirihii ay Maraykanka u soo magacaabeen Somalia, Ambassador Katherine Simonds Dhanani.

Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaa laga soo xigtay inuu Madaxweyne Obama ka fekerayo sidii uu Danjire cusub ugu soo magacaabi lahaa dalka Somalia, kadib, is-casilaadii Ambassador Katherine Simonds Dhanani, oo iyadu xilkaasi loo magacaabay bishii February ee sannadkan.

Is-casilaadeeda ayaa lagu micneeyey arrin Shaqsiyadeed oo ay iyadu codsatay, laakiinse Xeeldheerayaasha Diplomaasiyadda ayaa calaamad su’aal saarayo sababaha iyo xogta rasmiga ee ku khasabtay inay inay is-casisho Ambassador Katherine Simonds Dhanani oo iyadu ah Diplomaasiyad Rug-caddaa ah oo ka soo shaqeysay dalal badan oo Afrikaan ah.

Is-casilaadaasi ayaa ku soo beegantay, xilli ay Dowladda  Federalka Somalia ku naaloonaysay inuu kobco Xiriirka Diplomaasiyadeed ee labada Dowladood.

Dowladda Maraykanka waxay safka hore kaga jiraan  Dowladaha Beesha Caalamka ee Kaalmadda ugu badan ku taageera Dowladda Somalia iyo Hawlgalka AMISOM.

Hawlgalkii Faragelinta Aadminimadda ee Somalia (December 1992)

 Dhamaadka Xilligii Xafiiska uu fadhiyey Madaxweynihii Maraykanka, George H.W.Bush (Bushka Weyn) ayaa amray in Kumanaan Ciiddamo Maraykan ah loo diro dalka Somalia, kuwaasi oo horseeday dadaalkii QM ee lagu xaqiinayey in Kaalmooyinka cuntadda la gaarsiiyo dadkii ku macluulsanaa Somalia.

Xilligaas, Somalia waxaa ka jiray colaado beeleed markii la riday Hoggaamiyihii xoogga badnaa ee Jeneral Mohamed Siyaad Barre.

Hawlgalkii Maraykanka ayaa waxa laga weeciyey hadafkiisa ahaa Samafalka, waxayna madaxa la galeen dagaallo.

Dagaalkii Muqdisho (October 1993)

Markii jid-gal lagu dilay 24 Nabad-ilaaliyayaal u dhashay dalka Pakistan bishii June ee sanandkii 1993-kii, Ciiddamadda QM ee joogay gudaha Somalia waxay nacayb liddi ku ah kala kulmeen Hoggaamiye-kooxeedkii Mohamed Farah Aidid.

Dagaalkii Muqdisho ayaa lagu xusuustaa Hawlgalkii ay Ciiddanka Khaaska Maraykanka ee US Army Rangers iyo Delta Forces ee ay ku qabsadeen qaar ka mid ah Taageerayaasha Jeneral Caydiid.

Labo Diyaaradaha Helikoptarada nooca Black Hawk ayaa lagu toogtay, laguna soo riday Muqdisho,

Waxaa dillaacay iska horimaadyo lagu dilay 18 Askar Maraykan iyo boqolaal Soomaali ah.

Markii uu dagaalkaasi waxaa laga sameeyey Filim loogu magac daray Black Hawk Dawn.

Madaxweynihii Maraykanka ee xilligaas, Bill Clinton ayaa ciiddanka Maraykanka ka soo saaray Somalia.

Dhacdooyinka dhiigga badan ku daatay ayaa keentay inaysan Dowladda Maraykanka ku degdegin faragelinta colaadaha dalalka shisheeye.

Waxaana Dhacdadaasi laga sameeyey Filim loogu magac daray Black Hawk Down.

Afduubkii Captain Phillips (April 8-12, 2009)

Burcad-baddeed Soomaali ah ayaa ka macaashay sharci la’aanta ka jirta dalkooda, waxayna qaadeen boqolaal jeer weerareen Maraakiibta isticmaala Badda Somalia.

Mid ka mid ah Maraakiibta ugu muhiimsan ee ay qafaasheen ayaa ahaa Markabka Xamuulka ee Maersk Alabama oo la qafaashay bishii April ee sannadkii 2008-dii.

Bishii April 8-dii, afar burcad-baddee  hubeysan ayaa ka qabsaday Markabkaasi meel ku-dhawaad 380 miles ka baxsan Xeebaha Somalia.

Markii ay ku guul-daraysteen inay la wareegaan maamulka Markabkaasi , waxay Burcaddii qabsadeen Kabtan Philips, oo ay muddo dhowr maalmood ku haysteen dooni yar.

Bishii April 12-dii, Ciiddamo Khaas oo Maraykan ah ayaa gudaha u soo galay doonida lagu haystay Captain Philips, waxay dileen saddex burcad-baddeed, waxay nolol ku qabteen hal burcad, waxayna so obadbaadiyeen Captain Philips.

Hawlgalkaasi waxaa markii dambe laga sameeyey Filimkii caan baxay ee Captain Phillips.

Diyaarad uu la socday Mudane ka tirsan Kongareeska Maraykanka oo hoobiye lagu soo beegsaday (April 13, 2009)

Senotor Donald Payne oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka, lagana soo doorto Gobalka New Jersey ayaabishii April ee sannadkii 2009-kii booqasho ku yimid Somalia, isagoo iska dhega tiray Talo ay  Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka uga digtay inuusan booqanin Somalia.

Waxa uu la kulmay Madaxweynihii cusbaa ee xilligaas, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Xilli ay Diyaaradda Mudanaha Maraykan ay diyaaradiisa ka hinqanaysay Garoonka Muqdisho ayaa waxaa ku soo dhacay Hoobiye.

Si dirqi ah ayuu Senotor Donald Payne uga badbaaday duqeyntaas oo ay Alshabaab ka dambeeyeen.

Mar uu Telefishinka CNN-ka ka wareysteen Senotor Donald Payne  safarkaasi khatarta ahaa, waxa uu sheegay inuu aad u danaynayey inuu booqdo Somalia , isagoo muddo saddex sanno ah gacan ka geysanayey Dhismaha Dowladda Cusub ee Somalia ee xilligaasi.

Dilkii Hoggaamiyihii Alshabaab (September 2014)

Dowladda Maraykanka waxay muddo sannooyin ah la dagaalamayeen Dagaalyahannadda Alshabaab, o oay u adeegsadeen duqeyn hdinaca cirka iyo hawlgallo ay fuliyeen Ciiddanka Gaarka ee Maraykanka.

Bishii September ee sannadkii 2014-kii, Milliteriga Maraykanka waxay sheegeen inay hawlgal ka fuliyeen gudaha dalka Somalia, laguna dilay Hoggaamiyihii Alshabaab, Ahmed Godane oo ahaa mid ka mid ah ragga ay Maraykanka aad uga baadi-goobayeen gudaha Qaaradda Afrika.

Maraykanka waxay Ahmed Godane ku eedeeyeen inuu ka dambeeyey falal lagu dilay Saraakiil Somali, Shaqaale Samafal iyo weerarkii sannadkii 2013-kii lagu qaaday Dhismaha Ganacsiga ee Westgate ee magaalladda Nairobi.

Laakiinse, dilkiisa ma xagal daacinin Hawlgalladda ay Alshabaab ka wadaan Mandiqadda.

Bishii April ee la soo dhaafay, Dagaalyahanno ka tirsan Alshabaab  waxay ku-dhawaad 150 qof oo u badan arday ku dileen Jamaacadda Garissa ee W/bari Kenya.

 W/Q Hassan Ali Osman Istiila

Twitter: @hassanistiila

Gmail: [email protected]

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor