(FAALLO): Talo-xumida Tahriibka waa masiibo eedeeda la wada leeyahay !!!

Tan iyo burburkii Dowladnimo ee Somalia, waxaa meesha ka baxay Istaraatijiyadda Qaranka ee Daryeelka Xuquuqda Muwaadiniinta, waxayna dadkeenna ka door bideen inay u kala firxadaan dalalka dibedda.

Mashruuca Qaxootinimadda ee soo bilowday bilowgii sannadihii 1990-aadka ayaa waxa uu weli sii salfanayaa Nolosha Kumanaan qof oo Soomaali ah, kuwaasi oo isku biimeeya Tahriibka Baddaha.

Waa Hubanti in xanuunka Tahriibka gocasho iyo Caloolyow ku beeray Kumanaan qoys, kuwaasi oo ay dadkii ay jeclaayeen ku le’deen ama ku le’anayaan Baddaha, gaar ahaan Baddaha Libya, Masar, Mediterranean-ka ilaa Xeebaha Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

Mashaqo Geeriyaad ayey Badduhu ku noqdeen Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkooda hooyo uga cararayo shaqo la’aanta, colaadaha iyo faqriga saamaynta xooggan ku yeeshay 98% Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo inta badan Nolosha sare ku nool yihiin dadka Dabaqada Sare ee u shaqeeya Dowladda iyo Hay’addaha Caalamiga.

Kala-sarraynta dhinaca nolosha, Nabadgeliyo-xumidda  iyo Caddaalad-darradda dhinaca Shaqa-helista ayaana la rumeysan yahay inay Dhallinyaradda kaga didayaan dalka hooyo, iyagoo maciin bida inay Tahriibaan, si ay uga baxaan Nolosha Adag iyo Shiidka Shaqo la’aanta.

Xeeldheerayaasha Arrimaha Bulshadda ayaa rumeysan inay Dowladihii soo maray dalkeenna gabeen inay hiigsadaan Istaraatijiyad looga hortagayo Tahriibka, isla markaana Dhallinyaradda loogu abuurayo Waxbarasho iyo Shaqo Horumarineed.

Marka loo kuur-galo Aragtiyaha Dhallinyaradda ku khasbayo inay Tahriibaan waxaa loo aanayn karaa:

  • Shaqo La’aanta baahsan.
  • Shaqo abuurista oo hab qaldan la isugu shaqaaleysiiyo Hay’addaha Dowladda iyo kuwa Caalamiga .
  • Amni-xumida iyo Tuhunka laga qabo Dhallinyarada Bilaa Camalka ah .
  • Buufiska Nololeed iyo Mustaqbal Raadinta.
  • Nolosha Qoysaska oo aad u adag, lagana yaabo in uu halkii qoys u shaqeeyo hal qof oo mushaar kooban qaata.
  • Dhiiri-gelinta iyo Ka-hinaasida nolosha dadka Qurbo-jooga ee u salka ah Nolosha Dhaldhalaalka beenta.
  • Dowladaha oo aan iska kaashanin sidii Dhallinyarada loogu wacyi-gelin lahaa, loogana joojin lahaa Tahriibka.
  • Waalidiinta oo iyagana u danqada Carruurtooda, kadibna bixiya Kharaj kasta si ay ugu tahriibaan Europe, halkii ay ugu abuuri lahaayeen Shaqo, Nolol iyo inay Reer yeeshaan.
  • Dhallinyaradda oo iyagu Hayin-raac u noqday Tahriibka, isla markaana si lab-la-kac isaga socdaala.
  • Dhallinyarada Guur-doonka ee Dibedaha ka yimaada oo iyagana Kharaj badan ku bixiya Xafladaha Guurka, taasi oo keentay inay Dhallinyarada aan Dhaqaalaha u helin Karin guurka ku dhiiradaan inay Tahriibaan si ay u soo shaqeystaan Lacagta Guurka.
  • Kooxaha Is-xambaarka iyo Shirkadaha Diyaaradaha oo iyagana Xayeysiin u sameeya Tahriibka oo ay sheegaan inay Is-xambaar ku geynayaan ilaa Turkiga, Talyaaniga, Libya, Qubrus iyo Yurubta Galbeed, waxayna si il-duufsi leh Kharaj dheeraad uga qaataan Tahriibayaasha Mar-dhoofka ah ee Tahriibka u haysta Safar Fudud.
  • Xiriirka Kooxaha Mukhalisiinta iyo Burcadda Liibiyaan ee Ma-gefe ayaa macaash xooggan ka sameeya Tahriibka, iyadoo dadka Tahriibka la afduubo, la jir-dilo ilaa ay Waalidkiisa ka bixinayaan Kharajka Madax-furashadda oo ilaa 5,000 oo Dollar gaarayso.

Qoddobadaasi iyo kuwo kale ayaana loo aanaynayaa waxa dhiiri-gelinayo Tahriibka, iyadoo Ilaaladda Xuduudka dalalka la sii marayo xoogaa loo laabo, si ay Tahriibayaasha ugu sii gudbaan dalalka kale.

Si kastaba ha ahaatee, Ummadda Soomaaliyeed waxay la tiiraanyeysan yihiin Boqolaalka Tahriibayaasha Soomaalida ee ay doonida kula degtay Xeebaha ka baxsan dalka Masar, kuwaasi oo badankooda ahaa Dhallinyarro Soomaaliyeed.

Waxaana hubaal ah in Talo-xumida Dhallinyarradda Tahriibayso in maxsuulkeeda laga dhaxlo Masiibadda Tahriibka ee Baddaha lagu baaba’ayo, waxaana la dhibi karaa  waa masiibo eedeeda la wada leeyahay min Waalidka, Mukhalasiinta, Shirkadaha Diyaaradaha iyo Ciiddanka Ilaaladda Xuduudaha ee dalalka ay Tahriibayaasha sida sharci-darradda isaga kala gudbaan.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor