FAALLO: Soomaalidu waxay u baahan yihiin Madaxweyne  iyo Dowlad Waddaniyiin oo bilaa musuq ah.

Soo-kabashadda Dowladnimadda Somalia waxay la kowsatay Maamul-xumo, Xisaabtan La’aan iyo inay jiraan Mas’uuliyiin faraha kula jira Musuq iyo Caddaalad-darro, waana Nidaam xun oo Goobjooge loo soo wada ahaa.

Mas’uul kasta oo Heer Qaran waxa uu rumeysan yahay inaan lala xisaabtami Karin haddii uu Hantida Qaranka u isticmaalo sida Hantidiisa Khaaska, waana hubaal inay wax badan isku milan yihiin oo aysan kala astaysnayn Hantida Khaaska iyo Hantida Qaranka.

Ma jirto Nidaam Adag oo Mas’uul kasta ku khasbayso inuu diiwaan geliyo Hantida Khaaska ee inta uusan Xil Qaran qabanin iyo in lala xisaabtamo marka uu Xilka Qaranka ka degayo, si uusan Maaliyadda Qaranka ku sii qaadanin qaab aan Sharci ahayn.

Musuq-maasaq waa Eray uusan Muwaadinka dhabta ah jeclaynin Hab-dhaqanka Xatooyadda Hantida Qaranka, waxaase jira Mas’uuliyiin ku xisaabtama inta ay Xilka hayaan inay Hantida Qaranka booli ahaan u cantoobsadaan.

Hab-dhaqan qallafsan ayaana Xafiisyadda Qaranka laga dhex arkaa, iyadoo ay jiraan Madax hal-ku-dheg ka dhigta “Qaranka ka shaqeeyso”, taasi oo micna ahaan la fahmi karo ina jiraan Mas’uuliyiin danahooda Khaaska ka hormriya Danaha Qaranka.

Khasnadda Dowladda ee Kaalmooyinka Dhaqaalaha Caalamka had iyo jeer lagu soo shubo ayaa u muuqda Khasnad duleesha, waxaana taasi markhaati ka ah inaysan Shaqaalaha iyo Ciiddamadda si joogto ah u heli jirin Mushaarkooda, xilli ay jiraan Mas’uuliyiin safar aan dan qaran ku jirin ku faaruqiya  Khasnadaha Qaranka.

Inkastoo haatan lagu jiro Xilli-guur Maamul, lana filayo in  bilowga bisha September ee soo socota la doorto Madaxweyne, Guddoomiye Barlamaan iyo Xildhibaanadda Cuusb ayaa waxaa loo baahan yahay inay Muwaadiniinta codkooda bixinayo iyo Odayaasha Dhaqanka Beelaha si xooggan uga fekeraan Madaxda la soo xulanayo, oo ay noqdaan kuwo Waddaniyiin ah oo Ummadda wax ku soo kordhin kara.

Waxaana ayaaan-darro ah haddii si il-duufsi iyo musuq leh loo soo doorto Musharixiin ka mid ah Mas’uuliyiinta horey ugu fashilantay Hoggaaminta Ummadda.

Markaynu doc kasta ka eegno, Waddanka Somalia waxa uu u baahan yahay Hoggaamiyayaal Waddaniyiin, Daacad ah oo Ummadda ka saari kara Xaalladdaha Nabadgeliyo la’aanta, Shaqo La’aanta, Horumar La’aanta iyo Midnimo La’aanta ee ay dadkeenna iyo dalkeenna la daalla-dhacayaan.

Waxaana ayaan-xumo Qaran noqon karta haddii la soo doorto Mas’uuliyiin Danaystayaal, Lug-gooyaal ah, kuwaasi oo aysan Kulayl iyo Qabow midnaba ku haynin Danaha Bulshadda iyo Mustaqbalka Qaranka.

©Radio Dalsan