FAALLO: Sidee Dowladda Federalka ugu diyaar-garoobayaan Shirka London?

 

Shirweynihii Caalamiga ee ugu horeeyey ee looga hadlayo sida loo taageeri karo Ammanka Somalia ayaa la filayaa in bisha soo socota ee May 11-da lagu qabto magaalladda London.

Dowladda Britain ayaa qabanqaabisay Shirkaasi, kaasi oo ay ka qeyb geli doonaan Madaxda DFS, kuwa Maamul-gobaleedyadda, waxaa kaloo lagu casuumay inta badan Madaxda dalalka deriska ee ay Ciiddamadda ka joogaan Somalia.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Shirkaasi muhiimad guud u leeyahay Somalia iyo Beesha Caalamka, isla markaana lagu dejin doono Istaraatijiyadda Mideysan ee Ammaanka Somalia iyo Xoojinta Hay’addaha Dowladda ugu qaabilsan Hawlaha Ciiddamadda.

Shirka London ayaa waxa uu ku soo beegmay, iyadoo ay DFS weli curdan tahay, isla markaana ay ku furaaran yihiin Culaysyo kala kaan ah oo ay ugu muhiimsan yihiin Dagaalka Alshabaab iyo Dib-u-habaynta Xilalka Hay’adaha Dowladda.

Madaxda Qaranka iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda ayaa yeeshay Kulan ay ku mideeyeen Aragtidooda iyo in Dowladda Federalka looga dambeeyo Ajendaha iyo Ka-qeyb-galka Shirka London.

Waana markii ugu horreysay ee ay DFS iyo Maamul-gobaleedyadda si nidaamsan oo mideysan ugu heshiiyaan ka-qeybgalka Shirarka Caalamiga.

Dowladda Britain oo ka mid ah Dowladaha deeqaha ugu badan siiya Hay’addaha Dowladda Federalka iyo Hawlgalka AMISOM ayaa waxay olole xooggan ugu jiraan sidii Somalia loo xasilin lahaa Siyaasad ahaan iyo Nabadgelyo ahnaan.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka UK, Boris Johnson ayaa waxa uu bishii hore ee March 15-dii booqasho kedis ah ku yimid magaalladda Muqdisho, oo uu kula kulmay Madaxda DFS iyo Taliska Hawlgalka AMISOM.

Waxayna booqashadiisa gogol-xaar u ahayd Shirka London iyo inuu DFS u muujiyo Taageero Diplomaasiyadeed.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Xubno ka kala socda DFS iyo Maamul-gobaleedyadda loo xulay Shirkaasi, inkastoo badaankooda danaynaya Socdaalkaasi oo ay u arkaan Fursad Socdaal Dalxiis oo ay London ku tagaan.

Sidoo kale, qaar ka mid Maamul-gobaleedyadda ayaan ku qanacsanayn Nidaamka Cusub ee loo agaasimayo Shirweynaha London.

Si kastaba ha ahaatee, DFS ayaan la ogeyn qaabka ay u soo jiidan karto Beesha Caalamka oo iyagu ku daalay Kaalmooyinka Dhaqaale ee ay Somalia siiyaan iyo Hufnaan La’aanta Maalgashiga Deeqahaasi.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media