Faallo: Saadaasha Siyaasadeed ee Booqashada Madaxweyne Farmaajo ku tegay Ethiopia.

Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo waxa uu maanta booqasho 2 maalmood ah ku tegay Caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba, waana booqashadii Labaad ee uu ku tago dalkaasi.

Xiriirka Labada Dowladood ayaa u muuqda mid calawsan, waxaana taasi laga dareemi kara sida uu gaabiska u yahay Kulamadda Madaxda Labada Qaran.

Xasaasiyad Siyaasadeed oo soo jireen ah ayaana loo aanayn karaa Kalsooni-darradda Siyasadda taagan, waana hubaal inaan si fudud loo ambaqaadi karin Xiriirka noocaasi, ilaa si mideysan looga gudbayo Caqabadaha abuury Kalsooni-daradda Siyaaso iyo Bulsho.

Madaxweyne Farmaajo ayaana u muuqda Siyaasi aan si fudud ku furdaamin karin Caqabadaha Taagan iyo  Is-aminaad la’anta Labada Dowladood.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in loo baahan yhay inay DFS la timaado Deganaansho Siyaasadeed, si aysan Xasaasiyad kale kala kulmin Dowladaha deriska, oo iyagu rubuc Qarnigii la soo dhaafay galangal xooggan ku yeeshay Faragelinta Arrimaha Somalia iyo inay saamayn xooggan ku yeeshaan Masiirka Somalia.

Dowladaha Ethiopia iyo Kenya waxay jaal badan ku dhex leeyihiin Madaxda DFS iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda, taasi oo u sahashay inay si kala madax bannaan ula xiriiraan Dowladda Dhexe iyo Mamul-gobaleedyadda.

Sidoo kale, Dowladahaasi waxa Somalia ka jooga Kumanan Askari oo isugu jira kuwo ka tirsan Hawlgalka AMISOM iyo kuwo ka madax-bannaan, waana dabinka keliya ee ay DFS ku taageeri karaan ama dhinca kale ku abuuri karaan Xasillooni-darro.

Xeeldheerayaasha waxay Madaxweyne Farmaajo kula talinayaan inuu Safarkiisa Ethiopia bud-dhig uga dhigo Danaha Qaranka iyo sidii Somalia looga taageeri lahaa Dib-u-dhiska Ciiddanka iyo Sugidda Ammaanka Xuduudka labada dal.

Ajendaha Kulankaasi ayaana habboon in laga ilaaliyo wax kasta oo Hoosaasin iyo shaki kale keeni kara, waxaana suurto-gal in Booqashadda Madaxweyne Farmaajo ay Madaxda Maamul-gobaleedyadda ku sameeyaan xagal-daacin dambe, maadaama ay Madaxdaasi xiriir toos ah la leeyihiin Dowladda Ethiopia, isla markaana ay safar joogta ku tagaan dalkaasi.

Markaynu dib u milicsano hadalkii xanafta lahaa ee uu Sarkaalka Ethiopianka ee Jeneral Gabre dhawaan soo dhigay Bartiisa Twitter-ka waxa uu saamayn ku yeelan karaa Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo RW Rthiopia, Haile Mariam Desalegn, maadaama waxa uu Jeneral Gabre ka shanqariyey ahayd inaysan Ciiddanka Ethiopia wax xushmad ah ka helin Madaxweyne Farmaajo markii uu bishii hore booqday Baydhabo.

Diplomaasiyiinta ayaa horey ugu baaqay in la qaboojiyo Xiisadda, waana taasi waxa soo dedejisay Safarka Madaxweynaha oo horey uga baaqday Shirkii ka dhacay magaalladda Baxar-daar ee Ethiopia oo uu Somalia uga qeyb galay Madaxweynaha Puntland.

Qoddobadda kale ee Fadhiga Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaaraha Ethiopia laga yaabo inay isla eegaan waxaa ka mid ah Gooni-isku-taagga Somaliland, iyadoo la og yahay inay Ethiopia qunsulliyad ku leedahay magaalldda Hargeysa.

Marka qoddobkaasi la iska eego, waxaa ka soo bixi kara Mowqifka dhabta ee Dowladda Ethiopia ee Midnimadda Somalia, iyadoo la og yahay inay Ethiopia iyo Somaliland leeyihiin Xiriir Siyaasadeed iyo mid Ganacsi, iyadoo Badeecadaha uga soo degaan Dekedda Berbera.

Waa qoddob xasaasi ah oo loo arko inaan hal fadhi go’aan looga gaari karin Qaddiyadda Somaliland oo iyagu sannadkii 1991-kii ku dhawaaqay inay ka go’een dalka Somalia, inkastoo aysan weli helin Ictiraaf Caalami ah 26-sanno kadib.

Madaxweyne Farmaajo ayaan la ogeyn inuu galaangal kale u yeelan doono sidii uu Madaxda Ethiopia ugala  hadli lahaa Soomaalida ku xiran dalkaasi, kuwaasi oo tiradoodu gaarayso boqolaal qof.

Xeeldherayaasha ayaa rumeysan in qoddobka ugu muhiimsan ee Ajendaha Farmaajo ku qotomo inuu Dowladda Ethiopia la galo Heshiisyo abuuri kara Kalsooni Siyaasadeed, inkastoo Siyaasadda iyo Ammaanka yihiin kuwo isku naban oo aan la kala qaadi karin.

Madaxweyne Farmaajo oo u muuqda Siyaasi ku kalsamayn Xiriirka Ethiopia, balse waxaa jira cadaadisyo horseeday inuu Madaxda dalkaasi u muujiyo Rafiiqnimo iyo inay Labada Dowladood wax wada qabsadaan, lana qiimeeyo daruufaha taagan iyo muhiimadda Ammaanka iyo Derisnimadda.

Ma kala cadda inuu Kulanka Madaxweynuhu la yeelanayo Ra’isul-wasaaraha Ethiopia ka soo muuqan doono Sarkaalka Jeneral Gabre, kaasi oo udub-dhexaad muhiim ah Talada Is-fahamka Madaxda DFS iyo kuwa Ethiopia.

Dowladda Federalka Ethiopia ayaa isku aragta Dowladda ugu tunka weyn Geeska Afrika, waxayna isku aragtaa inay galaangal u leedahay soo-celinta Deganaanshaha Somalia iyo Dagaalka Alshabaab.

Aragtida noocaasi ayaana laga dheehan kara xeelladaha Kumanaanka Ciiddanka Ethiopianka ee joogta qeybo ka mid ah Somalia, kuwaasi oo marar badan soo baneeya Deegaanadda ay ka hawl-galaan, xaalladana ka dhigaan Jug-jug meeshaada jog oo kale.

Diplomaasiyiinta Shisheeyaha ayaa rumeysan haddii uu Madaxweyne Farmaajo la yimaado Siyaasad deggan iyo Is-faham inay Dowladda Ethiopia wax kala qaban karto Dib-u-dhiska iyo Tababarka Ciiddamadda iyo Dagaalka 10-sanno jirsaday ee ay Hawlgalka AMISOM iyo Ciiddanka DFS kula jiraan Dagaalamayaasha Alshabaab.

Safarka Madaxweynaha waxay ku soo beegantay dhowr isbuuc kadib, markii uu ku dhawaaqay Dagaalka Alshabaab, mana kala cadda inuu Ethiopia weydiisan doono inay Loojistik ahaan ka taageeraan Dagaalkaasi.

Dadka mucaardsan Safarka Madaxweynaha ayaa dhaliilsan Booqashadda Madaxweynaha ku tegay Addis Abeba, waxayna tilmaameen inay taasi abuuri karto inay kordhaan dadka Muaaradsan Siyaasadda Madaxweynaha  iyo inay Dagaalamayaasha Alshabaab Dagaal Ka-hortag ah ku qaadaan Ciiddanka DFS iyo kuwa Hawlgalka AMISOM.

Docda kale, haddii uu Madaxweyne Farmaajo lumiyo Fursadda Siyaasadeed ee uu jaalka kula noqon karo Dowladda Ethiopia, waxay taasi abuuri karaa Kala-shaki Taagan iyo inay DFS ku soo faruurmaan xaallado aysan haatan u bislayn Fahamkeeda.

Si kastaba ha ahaatee, Ammaanka iyo Horumarka Somalia waxa uu ku xiran yahay Dadaalka dadka Soomaalida iyo sida ay Dowladaha deriska ula jaan-qaadaan soo-celinta Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media