(FAALLO): Muranka xuduudaha ee Maamul-gobaleedyadda iyo Marjaca Federalismka

Nidaamka Federalismka oo ay Soomaalidu wax badan ka fahamsanayn ayaa u muuqda Nidaam ay Beesha Caalamka ku camcaminayaan Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo hirgelintiisa ka culus tahay fahamsiinta bulshadda.

Hoggaamiyayaashii Siyaasadda ee Somalia ee Cahdigii Fowdada iyo Colaadaah Sokeeye ayaa la hindisay in Somalia laga dhaqangeliyo Nidaamka Federalka, si ay dhiig-joojin u noqoto Colaadihii Sokeeye iyo kuwii Siyaasadeed ee lagu riiqmay.

Hoggaamiyayaasha dib u soo yegleelay Nidaamka Dowladeed ee Somalia waxay badankooda oggolaadeen in Somalia lagu soo dabaalo Nidaamka Federalismka, iyadoo aan wax xil ah la iska saarin sidii Bulshadda loo fahamsiin lahaa Xogta ku dahsoon Nidaamkaasi oo caadiyan loogu talagalay in ay ku dhaqmaan Dadyowga calanka qura wadaaga, balse kala dhaqan, kala diini iyo kala jinsi ah.

Inkastoo aan Federalka Somalia loo codeynin, haddana waxay Dowladda Federalka u xusul-duubaysaa si loo taaba-geliyo Nidaamkasi oo aysan Soomaalida dhaqan u lahayn, marna ku soo maamul qaadanin.

Labada Gole ee Dowladda Federalka ayaa lagu dhaliilaa inay ka gaabiyeen inay Ummadda ka wacyi-geliyaan Nidaamka Federalismka iyo in la sameeyo xeerar lagu kala hagayo Maamul-gobaleedyadda dhismayo.

Laakiinse, haatan ayaa lagu soo baraarugay, kadib, markii ay soo if baxeen muranka Maamul-gobaleedyadda ee dhinaca xuduud-deegaameedka.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in loo baahan yahay in la dhiso Guddi Farsamo oo Wadaag ah, kaasi oo gacan ka geysta xalinta Ismarin-waa’ga dhinaca xuduudaha.

Guddiga Federalka iyo Xuduudaha ee ay Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka Somalia shalay ansixiyeen ayaa laga filayaa inuu Maamul-gobaleedyadda ku qanciyo in dib loo habeeyo Sohdimaha Goballadda, laakiinse arrintaasi ma noqon karto mid si fudud bilooyin loogu xaliyo.

Maamulayaasha Dowlad-gobaleedyadda ayaa waxay u arkaan xuduudaha ay iyagu asteysteen yahay mid lama taabtaan ah, waxayna ugu mintidaan sidii xuduud-qarameed oo kale.

Waxay si gaar ah ugu fara adeegaan Deegaanadda barwaaqadda dabiiciga leh, kuwa isha Dhaqaalaha laga helo, Seerooyinka iyo dhulalka ay u naq tagaan Reer Guuraaga, si ay uga abuuraan Mashaariic Horumarineed si ay uga helaan miisaaniyad Maaliyadeed.

Miisaal ahaan, Maamul-gobaleedka K/Glabeed iyo Maamulka Gobalka Banaadir ayaa dhowr jeer isku qabtay xadka ay wadaagaan, iyadoo ujeedada ugu weyn tahay sidii ay dakhli dheeraad uga heli lahaayeen deegaannadda lagu murunsan yahay.

Deegaanka Jeziira iyo deegaannadda ka sokeeye Afgooye ayaana muranka ugu xooggan ka jiraa,Waana  hubaal ah inay fowdo ka abuurmi karo is-qabsigaasi haddii aysan Dowladda Dhexe xalinin khilaafkaasi.

Labada Maamul waxay  maalin kasta qaadaan lacago canshuuro ah, oo aan la ogeyn halka la geeyo iyo waxa dadka deegaanka loogu qabto.

Sidoo kale, Maamul-gobaleedka Puntland waxa uu buuq xuduudeed kala dhexeeyaa Maamul-gobaleedyadda Khaatumo iyo Galmudug, waxaase ugu daran midka u dhexeeya Madaxda Puntland iyo Galmudug, oo laga yaabo  inuu muran kooda muddo dheer sii jiitamo.

Madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas waxa uu tilmaamay in xuduudka Maamulkiisa ku eg yahay ilaa Degmadda Cadaado ee Gobalka Galgaduud, iyadoo uusan hadalkaasi ahayn mid mustaxiil ah.

Madaxweynaha Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed ayaa isagana sheegay inay diyaar u yihiin inay Puntland ku kala baxaan Dastuurka, haddii uu jiro khilaaf deegaameed iyo mid siyaasadeed.

Markaynu eegno Fahamka Maamul-gobaleedyadda ee dhinaca Federalismka ayaa waxaa la dhihi karaa in waaqiciga taagan uu muujinayo in Maamul-gobaleedyadda loo fasirayo ama loo dhalan rogayo Maamul-beeleedyo minjixaabin kara Midnimadda Qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in dhibaatada kale ka imaan doonto Darajadda Madaxweynenimadda ee ay ka wada siman yihiin Madaxweynaha Qaranka iyo kuwa Dowlad-gobaleedka, waxaana ku habboon Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka inay ka federaan Eray-bixintaasi, iyadoo Madaxda Dowlad-gobaleedyadda caadiyan mudan yihiin in loogu yeerio Guddoomiyaha Maamul-gobaleedka.

© Radio Dalsan