FAALLO:- Mooshinkii lagu kala diray Barlamaan-gobaleedka Jubba ma yahay mid waafaqsan Federalismka?

Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka Somalia ayaa shalay soo gunaanaday Mooshin muran badan dhaliyey, kaasi oo ku saabsanaa Jiritaanka Barlamaan-gobalkeedka Maamulka KMG ee Jubba.

Mooshinkaasi oo ay Xildhibaanadda ku kala qeybsanaayeen ayaa waxa uu soo jiitamayey dhowr Toddobaad, iyadoo Xildhibaanadda u ololeynayey Moshinkaasi ay olole xooggan u galeen sidii look ala diri lahaa Barlamaanka Maamulka Jubba.

Inta badan Xildhibaanadaasi waxay ku doodayeen inaan si siman loo qeybsanin Kuraaasta Barlamaanka Jubbaland oo ka kooban 75 xubnood, oo 10 ka mid ah uu Madaxweynaha Maamulka KMG, Sheekh Axmed Madoobe loo fasaxay inuu isagu u qeybiyo Beelaha saluuugga ka muujiyey Saami-qeybsigaasi.

Bishii  April 28-dii ee sannadkan ayaa si rasmi ahaan loo doortay Guddoomiyaha Barlamaanka Jubba, Aadan Khaliif Xaaji Yuusuf, kadib, markii uu Tartan adag la galay Musharixiin miisaan ku leh Goballadda Jubbooyinka.

Madaxweynaha DFKMGS, Hassan Sheekh Mohamoud iyo Wakiilo ka kala socday Dowladaha Gobalka, Urur-gobaleedka IGAD iyo Hay’addaha Caalamiga ayaana ka qeyb galay Xafladda lagu caleemo saaray Hoggaanka Sare ee Barlamaanka cusub ee KMG ee Maamulka Jubba.

Tan iyo markii la doortay Barlamaanka KMG ee Jubba, waxaa soo baxayey saluug ay qaar ka mid ah Siyaasiyiinta iyo Odaayaasha Dhaqanka ee Beelaha wax ka dgegga Goballadda Jubbooyinka iyo Gedo, wuxuuna guuxaasi u xuub-siibtay in ay Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka Somalia ku kala qeybsamaan arrintaasi.

Madaxda Sare ee Maamulka KMG Jubba iyo Xildhibaanadda ka biyo diidsanaa Qaab-dhismeedka Barlamaanka Jubba waxay Warbaahinta  isku dhaafsadeen eedeymo ay ku sheegeen inay Xildhibaanadda BFS faragelin ku hayaan arrimaha gudaha ee Maamulkooda.

Xildhibaanadda waday Mooshinka oo lagu eedeynayo inay fashil-siyaasadeed la maagan yihiin Barlamaan-gobaleedka Jubba ayaa waxaa shalay u rumowday Ololaha Siyaasadeed ee ay u galeen inay Xildhibaanadda Barlamaanka Qaranka go’aan ka gaaraan Barlamaan-gobaleedka Jubba.

Kulankii codeynta Mooshinkaasi oo shalay lagu qabtay Madasha Barlamaanka Federalka waxaa ka soo qeyb galay 142 Xildhibaan, iyadoo 132 u codeeyeen in la kala diro Barlamaanka KMG ee Jubba, halka ay Afar Xildhibaan diideen Mooshinkaasi, iyadoo 6 kalena ka aamuseen.

Inkastoo ay Xildhibaanadda BFS aqlabiyad ku ansixiyeen in la kala diro Barlamaanka Jubba, ayaa waxaa haddana soo baxayo inuusan Moshinkaasi ku salaysnayd Dastuurka Qaranka iyo Nidaamka Federalismka.

Madaxda Maamul-gobaleedka KMG ee Jubba, waxay si kulul u cambaareeyeen Mooshinkaasi, waxayna sheegeen inay Kalsoonidii kala laabteen Dowladda Dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, Xeeldheerayaasha Sharciga ayaa rumeysan inuu Moshinkaasi yahay mid la siyaasadeeyey oo saamayn xooggan ku yeelan kara Dhismaha Dowlad-gobaleedyadda dhisan iyo kuwa haatan dhoodhoobkooda lagu hawlan yahay.

Waxayna ku baaqeen in la joojiyo Liinta Siyaasadeed ee lagu kala dirayo Barlamaanka KMG ee Jubba.

Dowlad-gobaleedka Puntland oo iyagu xulufo la ah dhigooda Jubbaland ayaa sheegtay inay war ka soo saari doonaan Mooshinka lagu kala idray Barlamaanka Maamulka KMG ee Jubba.

  1. Hassan Ali Osman “Istiila”

Twitter@hassanistiila

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor