Faallo: Cumar Shaam: Mooge Iyo Ma Hubsade Murankooda Muuq Beel

Hadal kastaa sidiisaba, waa tiraab, macnuuse ku yimaadaa, waxaan taa ka wadaa Soomaalidda maanta joogtaa, 90% ama 95 % waa dad ku garaadsaday, bur-burkii Soonaaliya oo manta laga joogo sanado badan.

Sababtuna, waxaaa ay tahay 1990, intii 15-jiradda aheed, maanta waa 41-jiro, micna buuxdana aan ka hayesan maraxaladihii loosoo maray bur- burkii Soomaaliya ka hor. Wixii dhaliyay bur -burkaa, iyo bur-burk ka dib intaba.

Isbeddeladdii yimid, wixii uu arkaana waxaa uu ku micneeyaa hadba sidii ay la ahaato,  ileen maba hayo marjicii uu ku ogaado sababaha dhabta ee asalka u ah, waxaa uu arkayo iyo halka ay kasoo jeedo biloowgeeda iyo aas aaskeeda.

Sidaa daraadeed inbadan waxaa ka maqan, wixii dareen gelin lahaa, tusi lahaana dulmiga, una diidi lahaa, qiyaanada dalka lagu hayo iyo waxa dalkiisana  ragaadiyay.

Inta xaaladaan fasirkeeda dhabta ah muujin laheed, dadkana wax u sheegi laheed, Seddex ayeey u qeybsameen.

  • 1) Qeyb dalkii ka carartay dibadahana ka doorbiday, markii ay xamili waayeen, moowjadaha xanuunka badan ee dalka oo dhan hareyay.
  • 2) Qeyb ku le’atay dagaaladda, gaajadda iyo bur- burkii waqtigoodana uu dhamaaday, wax dhaxal ah oo la tixraacana aan ka tagin.
  • 3) Qeyb yaab iyo argagax iyo cabsi ay hadalkiiba u diideen, dhabna u fahansan xaaladahii lasoo maray iyo kuwa hada socda taariiqdana wax ban kala socda.

Waxaa intaa wehliysa, marjicii loo noqon lahaa ee lagu ogaan lahaa taariiqda dhabta ah ee lasoo maray, madxafkii qaranka ee laga doonan lahaa. Muuqaal, maqal iyo qoraalaba gabi ahaanba waa la baabi’yay. waana aasaaska sababha dhabta ah ee jiilka haatan joogaa  ay u ogaan la’yihiin halka loo socdiyo waxii lasoo maray.

Sidoo kale manhajkii Soomaaliya oo dhan ee af, dhuulba, iyo taariiqaha idilkooda koobayay,  xafiiskii u gaarka ahaa, iyo buuggaagtii kuligood midna maanta kama harin oo waa la cirirbtiray. xaruumihiina manta reeraa deganoo, waa la ciribtiray, waxaan intaa kawadaa, inaan wax uu bidhaamiyo inta aan guda galin bartilmaameedka ujeedad a qormadeydda.

Hadaba waxaa iga Su’aal ah,  dal astaamihii jiritaankiisu 10% aan ka oolin,  halkii ay mareena cidi aaneey sheegeyn,  yaa u haya jawaab oo laga doonayaa maanta. Aan idinkaga hara oo jawaabta  soo hela. ?

Si kale hadaan u dhigo, dal waxaa u astaan ah laguna gartaa taariiqa iyo dhaqanka dadkiisu ay leeyihiin.

Hadii aysa baaba’aan xaalkiisa Allah ayaa yaqaana. Inta haray dhameystira. ?

Mid kale aan idin sawiro, dal jiro ayaana nehee, maxaa inna baday isticmaalka lacago aaney laheyn, micnaha aaway lacgtii soomaaliya, madax iyo maamul cid ka hadasho ma heysaa, sababta loo waayayna noo cadeysa. Taana bal soo hela jawaabteeda. ?

Mida kale Manhajyadda laga dhigo dalkeena, maxaa midba dalad iyo magac gaar ah u yeelay, calaashaan dalalkii laga keenay daladduhu ayeey u-adeegaan misa waa malaheyga, ileen howl kastaa cid dhaqaajisaa in ay hesho waa u muhiim, misna  cid  ka shaqeeysa dadaal iyo xoogba galiso.

Hadaaneey taasi aheyn, maxaa diidan in lasoo unko manhajkii Soomaaliya. Howsho ma afka sheegbaa,  go’hasho iyo waan soo wadnaa baaa ? Iyo hadalo kaloo mararka qaar laga leexan Karin.

Sidaa daraadeed inta aan bidhaamiyay, intaad heyso ku biiri, hasooboxo micnuhu e . ?

Intaa kadib aan abaaro ujeeda Qormadeeyda daba taal.

Howsha haataan socotaa, ha la idoorto miyaa ? mise hala doorto ?

Hadal waxaa uu macaanyahay micnihiisa dhabta ah  markeey wada fahmaan, cida loo wado iyo cida keentaba, daahana aanu saarneeyn. Hadiise micnihiisa iyo halki loo waday fahanba aanu u dhexeyn hal bacaad ku lis weye, iyo dhaan dabagaalaan wadnaa.

Waxaan taa kawadaa,  Soomaaliya maanta, hadal heynta ugu weyn, waa doorashdda gababgabada sandkaan lagaalaayo. Wexey isweydiintu tahay shacab weynaha Soomaaliyeed macna intee la’eg ayuu ka heystaa cida wax dooraneysiyo cida la dooranaayo. Iyadoo laga ambaqaadayo taariiqihii lasoo maray ee maskaxda shacabka ka guuxeysa, iyo kalsooni darada laabtooda hareysay, iyo sidoo kale micna ka saaro kalsooni darada, kalsoonina ku abuuro aana loo helin oo aan la tusin, howsha socotiyo midii hore lasoo maray farqiqa u dhexeeya, dhabna aaney loo fahansiinin,  xaalku soow noqonmaayo cidkastaa maleheediyo qofba si uqaaday. ?

Waxaan taa kawadaa, mididu meel aan xubin aheyn ma goydo. Hadaaney taasi aheyn shisheeye iyo sokeeye, inta howshan horsocotaa shacabku daah kama saarna oo waa in ay yaqaanaan  iyo in kaloo u sawiran oo midkaa waxuu galo iyo wuxuu gudo aqoon beey u leeyihiin. Miisaanka malahuna waxuu hataaan joogaa,  haleey idoorto miyaa, mise waa hala doorto. ?

Hadaaneey intaasi aheyn madaxweyne gobol, ama federal, maamul ama wasiir, dowlad dhexe mageceed, inta haataan horbooda cid ka madax banana oo loo idmay doorashad iyo qaabeynteedaba duqoowdoow ma heysaan. ?

Hadaaneey jirin ama aaney soo bixin mexey tahay waxa la filayo, cid kastaa maleheed aan u daayo jawaabta,?

Ujeeda Qormadeyda cina lidi kuma ahan, waxaanse kawdaa juhdiga iyo dalaakaa socdaa yaanu marin habaabin, ileen hagar horeey noo daashatay, waana miduu Qarankeenu eersaday halkuu manta yaala geyday, Soomaaliduna waxaa ay tiraahdaa xaaja haddaan gunta hoose laga dhayin ma bogsooto waligeed. ?

Caad ma saarna Qormadeyda, Soomaliya maanta baahideedu, waxaa ay tahay in ay hesho hogaan daacad ah,  beenta iyo qiyaanadu ay ka dheertahay, geesi ahoo, go’aan qaadasho leh,  shacabkuna kasban karoo loona simanyahay.

Hadaaneey intaasi aheyn hadalkeena ha joogo, doorashaa lagaalayaa waqtiguna waa gaba gabo. Oday kastoo camaamad qaatay, garkana soo cilaansaday ha ahaado Odeygeena. Culumaa’udiinka kanaa, kanaa shida iyo kanaa mida ah, murankoodu ha joogo.

Hadaaneey intaasi aheyn, Mooge iyo Ma Hubsade Murankooda Muuq Beel.

Waxaa Qoray Faalladdaan Cumar Shaam

Waxaa Daabacay Hassan Istiila

13-7-2016/ Radio Dalsan.