FAALLO: Maxay Jawaari iyo Xildhibaanadda ku aragtida ah ku qoonsadeen Xukuumadda Cusub?

Dabeecad-siyaasadeed saluugaysan ayey ku dhawaaqeen xubno Xildhibaano ah oo uu hayinka u hayo Guddoomiyaha BFS, Prof. Jawaari, kuwaasi oo Dareenkooda Hal-ku-dheg uga dhigay Aragti Siyaasadeed ka dhan ah Dhismaha Xukuumadda cusub ee uu RW Kheyre isbuucii hore ku dhawaaqay.

Waa Nidaam Siyaasadeed u muuqda Dhacdo Soo-boodo ah, oo aan loo marin Nidaamkii Sharciga, waayo Golaha Wasiiradda ee cusub weli lama hor geynin Golaha BFS, si ay u helaan Codka Kalsoonida.

Qoraalkii uu Guddoomiye Jawaari u diray RW Kheyre iyo Gaagaxa ay xubno ka tirsan Xildhibaanadda muujinayaan ayaa ah arrin u baahan in si hoose loo turxaan bixiyo, mana aha in Tashwiish Siyaasadeed la furo haddii aysan Masraxa Xukuumadda iska dhex arki waayeen dad Wasiir-doon ah ee jaal dhow iyo ehelka la ahGuddoomiye Jawaari .

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Qoraalka  Guddoomiye Jawaari u muuqdo mid la soo abaabulay oo Damac Siyaasadeed Shaqsi, Beel ama Maamul-gobaleed looga dan leeyahay, waxayna taasi caqabad ku noqon kartaa Tisqaadka Xukuumadda cusub ee uu Guddoomiye Jawaari talada ku lahaa lahaa Fikradda Naqshadda iyo Xulashadda Wasiiradda.

Waxaana laga yaabaa inuu Guddoomiyaha Rug-caddaaga haatan ku abuurmay Baraarug-Siyaasadeed ama haddii si kale loo dhigo Tebasho nooc kasta ha ahaato.

Guuxa Siyaasadda ee Xildhibaanadda diidan Nidaamka Dhismaha Xukuumadda Federalka waxaa laga dhadhansan karaa Saluug, Wasiir-doon iyo tallaabo ay kaga soo horjeedaan qaar ka mid ah Wasiiradda ay isku haybta yihiin ee ka mid ah Liiska Xukuumadda magacaaban.

Caqli-siyaasadeed kasta wax uu isku jiheeya halka ay Dantiisa iyo Danta Beeshiisa ama Isbahaysigiisa ku qotonto, waana silsilad taxane ah  Buuq Siyaasadeedka haatan lagala hor imaanayo Xukuumadda magacaaban.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in  Rug-caddaa Jawaari ku simbiririxday Khidada Siyaasadeed, waayo laguma ogayn inuu mucaarado iyo naqdin Xukuumad an weli hortegin BFS.

Waxayna Siyasiyiinta madaxa-bannaan u arkaan inuu Prof. Jawaari ku degdegay Qoraalka uu u diray RW Kheyre ee ay Saxaafadda soo bandhigtay.

Waxaana qumanayd in Fadhi-siyaasadeed ku aragti dhiibto,kuna gudbiyo Aragtidiisa ee ay la qabaan Xildhibaanadda aan ku qanacsanayn Liiska Wasiiradda la soo magacaabay.

Marka doc kasta laga eego Qoraalka hal-ku-dhegga looga dhigay Aragti Siyaasadeed waxaa looga dan leeyahay Gorgortan Xilal Wasiir, waana macquul  inuu Aragtida Jawaari isku rogto Mooshin Mucaaradnimo, mana kala cadda in Aragtidaasi lagu awr-kacsanayo Qorshe Qarsoon oo aan la ogeyn cidda hagayso.

Image result for amin arts jawaari iyo kheyre

©Radio Dalsan

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media