(FAALLO):- Maxaa sababay in aan Dowladda Federalka lagu casuumin Shirarka looga hadlayo Arrimaha Somalia ?

Labadii bilood ee ugu dambeysay ayaa waxaa la dareemay inaysan Dowladda Federalka wax maqaam ah laga siinin Shirar-gobaleedka iyo kuwa Caalamiga ee looga hadlayo Qaddiyadda Somalia.

Waxayna Madaxda Dowladaha deriska ku caan baxeen inaysan ku casuumin Dowladda Federalka kulamadda noocaasi ah, mana kala cadda ujeedada qarsoon ee ka dambaysa in albaabadda laga laabto Dowladda Federalka.

Safarkii Taariikhiga ee uu Madaxweynaha Maraykanka, Barack Hussien Obama dabayaaqadii bishii hore ku tegay dalalka Kenya iyo Ethiopia, waxa uu tusaale muuqda u yahay  inaan Madaxda Dowladda Federalka lagu casuumin Kulamadda ay Obama iyo Madaxda Kenya iyo Ethiopia yeesheen.

Kulamadaasi ayaa waxay ubucda ugu badan looga hadlay Ammaanka Geeska Afrika, La-dagaalanka Alshabaab iyi Hawlgalka AMISOM.

Xeeldheerayaasha ayaa shaki siyaasadeed ka muujinayo Humaagga ku qarsoon in Dowladda Federalka lagala xaajoonin Qoddobaddii ay muhiimka ahayd in lagala hadlo, iyadoo Hoggaamiyayaasha dalalka kale ee dhaqaankaasi caadaystay loo baahan yahay in lagula xisaabtamo.

Madaxda Qaranka waxay ka gaabiyeen inay ka hadlaan Qaddiyadaasi, isla markaana ay feejignaan ka muujiyaan Shirarka Calaamka ama kuwa Gobaleedka ee looga hadlayo Arrimaha Somalia, mana kala cadda sababaha ay Madaxda Qaranka u lumiyaan fursadaha Marti-qaadka, si ay Hoggaamiyayaasha Caalamka ugu casuumaan inay Kulan ku yeeshaan gudaha Somalia ama dalalka Mandiqadda.

Safarkii Madaxweyne Obama ayaana noqday Fursad ay Dowladda Federalka baylihiyaan, maadaama ay ku habboonayd inay olole u galaan sidii Jadwalka Safarka Obama loogu dari lahaa inay Madaxda Somalia la kulmaan.

Diplomaasiyiinta ayaa rumeysan in ay jiraan caqabado muuqa, isla markaana ay Diplomaasiyiinta Soomaalida uu dhiifoonayn inay Safaaradaha dowladaha muhiimka kala hadlaan sidii ay Madaxda dalalkaasi u qaabilsan Madaxda Soomaalida.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan haddii uu Madaxweyne Xasan Sheekh ama Ra’isul-wasaare Omar Sharmaarke fursad u heli lahaayeen inay la kulmaan Madaxweyne Obama inay horseedi lahayd in laga wada xaajoodo Xoojinta Xiriirka Labada Waddan iyo Dardargelinta Hawlaha Diplomaasiyadda.

Dowladda Maraykanka oo ka mid ah dalalka Deeqaaha ugu ballaaran u fidiya Dowladda Federalka iyo Hawlgalka AMISOM ayaan la fahmi Karin Saluugga ay ka qabaan Firfircoonidda Dowladda Federalka iyo sababaha ay u soo magacaabi lahaayeen Danjiraha Maraykanka uga wakiil noqonaya Somalia.

Khubarada Ammaanka ayaa rumeysan inay Maraykanka weli hubin ku hayaan Ammaanka Somalia iyo Khataraha ay la kulomi karaan Diplomaasiyiinta haddii ay ka hawl bilaabaan gudaha Somalia.

Sidoo kale, Xeeldheerayaasha ayaa shaki siyaasadeed ka muujinayo Humaagga ku qarsoon in Dowladda Federalka lagala xaajoonin Qoddobaddii ay muhiimka ahayd in lagala hadlo, iyadoo Hoggaamiyayaasha dalalka kale ee dhaqaankaasi caadaystay loo baahan yahay in lagula xisaabtamo.

Hoggaamiyayaasha inta badan  Dowladaha xubnaha ka ah Urur-gobaleedka IGAD waxay maanta Kulan Khaas ah oo looga hadlayo Arrimaha Somalia iyo South Sudan ku yeesheen caasimadda Uganda ee Kampala.

Ayaan-darradda ka muuqato Kulankaasi ay yeesheen Hoggaamiyayaasha dalalka Uganda, Kenya, Sudan iyo Ethiopia ayaa ah iyadoo aan haba yaraatee lagu casuumin Madax ka tirsan Dowladda Federalka ama xitaa Diplomaasiyiinta Safaaradda Somalia ku leedahay magaalladda Kampala.

Hoggaamiyayaashaasi ayaana si gaar ah uga hadlay Ammaanka Somalia, Hawlgalka AMISOM, La-dagaalanka Alshabaab iyo Heshiiska Nabadda ee dalka South Sudan.

Markaynu isku soo duubno, ma kala cadda sababaha ay Madaxda Gobalka iyo kuwa Caalamka qaarkood ay Diplomaasiyadda qaldan ugula macaamilaan Dowladda Somalia, waxaana shaki ku jirin in ay Dowladda Federalka.ka gaabinayaan dadaalka Diplomaasiyadda  ee Arrimaha Dibedda.

Si kastaba ha ahaatee,  waxaa isweydiin mudan  Maxaa sababay in aan Dowladda Federalka lagu casuumin Shirarka khuseeya Arrimaha Somalia ?

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor