(FAALLO):- Maxaa sababay Habacsanaanta Ammaanka Guud ee Magaalladda Muqdisho ?

Mas’uul ilaa Muwaadiniinta caadiga ee Soomaaliyeed waxa uu dhabano-hays ka qaaday Falalka Weeraradda, Qaraxyadda iyo Dilalka Qorsheysan ee maalmahan lagu arkayo gudaha Caasimadda Muqdisho.

Caadi ahaan, Habacsanaanta dhinaca Sugidda Ammaanka, waxaa lagula xisaabtami karaa Hay’addaha Ammaanka oo iyagu mas’uuliyad Qaran ka saaran yahay Badbaadada Nafta iyo Hntida Muwaadiniinta.

Waxaa la qiri karaa inay jiraan sababo dhalin kara in dulduleelo ka soo baxaan Dadaalka Ciiddamadda Ammaanka, waxaana taasi ugu wacan iyadoo ay weli meesha ka maqan tahay Taageeradda laga filayey Dadweynaha, oo iyagu ka gaabiyey inay Kaalintooda ka soo dhalaalaan Sugidda Ammaanka oo dan guud u wada ah Ummadda.

Khubaradda Ammaanka ayaa rumeysan in Habacsanaantu timaado marka la guda-galo Xilli Kala-guur, maadaama ay Madaxda Qaranka ilaa kuwa Gobalka Banaadir ay waayadan ku jiraan Xaallad Isbedel iyo Isku-shandheyn, taasi oo sahlayso inay kooxaha wax kharbuda ka faa’ideysataan Habacaasi taagan.

Weerarkii iyo Is-qarxintii lala beegsaday Hotelka Saxafi ayaana laga dareemay inay Kooxaha weeraradda geysta ay fursad u heleen inay gudaha Muqdisho ka soo maleegaan Mu’aamarooyinka wax loogu dhimaayo Ammaanka Guud.

Culayska ugu xooggan ee ay Hay’addaha Ammaanka inta badan hadal-hayaan ayaa ah inaan la wada kontorooli Karin Gaadiidka fara badan ee isaga kala dhex gooshayo magaalladda Muqdisho, maadaama ay jiraan Gaadiid badan oo iska socda bilaa Taariko ama isku ekeysiiya Gaadiidka Hay’addaha Dowladda Federalka.

Xaalladda kale ee u baahan in wax badan laga qabto ayaa ah Badbaadada Xildhibaanadda Qaranka, oo iyaga lagu hayo ugaarsi iyo dilal qorsheysan.

Sannadkan oo keliya, 6 Xildhibaan Qaran ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay magaalladda Muqdisho oo uu ugu dambeeyey Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo shalay dharaar cad lagu toogtay Faras-magaallaha.

Dilka noocaasi ayaana la dhihi kara waxa uu muujinayaa inay Hay’addaha Ammaanka ku baraarugsanayn weeraradda had iyo jeer laga filan karo Kooxaha Hubeysan oo inta ay dilal geystaan si fudud kaga baxsada halkii ay dilka ku geysteen.

Madaxda Sare ee Dowladda Federalka waxaa la gudboon inay dejiyaan Istaraatijiyad Qaran oo lagu adkaynayo Ammaanka Guud iyo inay Xildhibaanadda iyo Muwaadiniinta caadiga helaan Kalsooni ay ku shaqeysan karaan iyo Badbaado buuxda.

Wax micno weyn ma samaynayso haddii mar kasta  Hoggaanka Hay’addaha Ammaanka isbedel lagu sameeyo,ama had iyo jeer la cambaareeyo falalka lagu dilayo Hal-doorka Soomaaliyeed, laakiin, waxaa micno weyn samayn karta haddii Xirfadlayaal iyo Saraakiil Khibrad leh loo dhiibi lahaa Hay’addaha Ammaanka iyo in Xisaabtan dhab ah lagu soo oogo Saraakiisha mas’uulka ka ah Degmadda ama Xaafaddaha ay ka dhacaan Dilalka Qorsheysan iyo inay Dembiilayaasha ka baxsadaan Sharciga.

Markaynu  doc kasta ka eegno Amni-xumidda soo laalaabatay, waxaa isweydiinta taagan noqotay:  Maxaa Hay’addaha Ammaanka ka hortaagan inay adkeeyaan Ammaanka, Maxaase sababay Habacsanaanta Ammaanka Guud ee Magaalladda Muqdisho ?

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor