FAALLO: Maxaa lagu tilmaami karaa Darajadda ay ku wada hadlayaan Madaxda Qaranka iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda?

Calawga Siyaasadda iyo Amni-xumidda ragaadisay dalkeenna waxaa la sheegaa inay qeybta ugu muhiim mas’uul ka yihiin Madaxda Qaranka ee isaga kala dambeyey Xilka Qaranka 10-kii sanno ee la soo dhaafay.

Marnaanshaha Is-fahamka iyo Wada-shaqeyn La’aanta ayaana xuddun u ah Qalalaasaha Siyaasadeed ee dalka iyo Horumar la’aanta Dib-u-dhiska Hay’addaha Qaranka, gaar ahaan Garsoorka iyo Amniga.

Khubarada ayaa rumeysan inaan si fudud looga gudbi Karin Xilliga Kala-guurka Siyaasadda Cakiran ee dalka, inta uusan Dastuurka kala qeexin Qoddobadda Xasaasiga ee ay Madaxda Qaranka iyo kuwa Goballadda isku hayaan.

Isbaaro Siyaasadeed, Fowdo, Kala-shakin iyo Is-eedeyn ayaana inta badan asaas noqday Khilaafka Taagan ee ay Madaxda maarayn la’ yihiin.

Sharci-Yaqaanadda ayaana rumeysan in Hoggaamiyayaasha haatan shirsan uu Kulankooda iska yahay Bandhig Siyaasadeed iyo Halhayskii Shimbiriyahow Hees oo kale,

Waayo tiro ma laha inta jeer ay Shirar ku yeesheen Muqdisho iyo magaallooyin kale, wuxuuna Mas’uul kasta muhiimadda siinaya Dantiisa, Danta Maamulkiisa, Isbahaysigiisa, Beeshiisa iyo Ku-gorgortanka Darajo Siyaasadeedka iyo Ilaha Dhaqaalaha ee  Mustaqbalka soo socda.

Hadadba, haddaynu eegno Caqabadda ugu muhiimsan ee had iyo jeer keena Shilka Hoggaamiyayaasha DFS iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda ayaa ah Darajadda Madaxweynaha oo ay labada dhinac wada wadaagaan.

Isticmaalka Madaxweynaha ee Madaxda Maamul-gobaleedyadda ayaa u muuqata mid aan Isir ku lahayn Nidaamka Federalisimka ee Caalamka, waayo MadaxDA Maamul-gobaleedyadda darajo ahaan waxaa loogu yeeraa Guddoomiyaha ama Hoggaamiyaha Maamul-gobaleedka.

Tusaalaha ugu nugul ee Caalamka haatan u wada muuqda ayaan ka dheehan karnaa Xilalka Madax-gobaaleedka Kurdistaanka Waqooyiga Iraq iyo kan Gobalka Kataloniya ee dalka Spain.

Astaanta Madaxweyne waa Astaan Qaran, halka Guddoomiye ama Hoggaamiye loogu yeeri karo Guddoomiyayaasha Maamul-gobaleedyadda, inkastoo aysan Madaxdaasi ku mayal adag yihiin in loogu yeero Madaxweyne.

Si haddaba loo turxaan bixiyo Awoodaha iyo Darajadda u kala khaaska ah Madaxweynaha Heerka Qaram iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda waxaa habboon inay Xildhibaanadda Labada Gole ee BFS ka wada doodaan sidii Isbedel loogu samayn lahaa magacyadda Xilalka labada dhinac, loona qeexi lahaa in Astaanta Madaxweynaha u gaar tahay Madaxaweynaha Qraanka oo keliya,.

Dhinaca kale, Shirka Madaxda labada dhinac haatan uga socda Villa Somalia waxa uu noqon doona Dhicis, haddii aan marka hore la isla meel dhigin Daraja-magacaabista lagu kala garto Madaxda Qaranka iyo kuwa Maamul-gobaleedka.

Haddii aysan Madaxda shirsan turxaan bixinin Qaladkaasi, waxa la dhihi karaa wax miro dhal ah ma noqon karaan Qoddobadda kale ee haatan miiska u saaran,

Si kastaba ha ahaatee, haddii aysan Madaxda Maamul-gobaleedyadda ka tanaasulin inay isugu yeeraan ama loogu yeero Madaxweyne, waxay xaajaddu noqon kartaa Madaxweynayaal uu Is-jiid Siyaasadeed ka dhexeeyo, illayn horaa loo yiri Laabi Labo U La’ !!!! iyo Qalanjo Qeybsami Weyday.