(FAALLO): Maxaa lagu fasiri karaa sababaha ay isku casisahay Ambassador Katherine Simonds Dhanani ?

Toddobaad kadib, markii uu Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka, John Kerry uu booqasho mar-la-arag ah ku yimid magaalladda Muqdisho, waxaa si kedis ah isku casishay Danjirihii ay Maraykanka u soo magacaabeen Somalia, Ambassador Katherine Simonds Dhanani.

Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaa laga soo xigtay inuu Madaxweyne Obama ka fekerayo sidii uu Danjire cusub ugu soo magacaabi lahaa dalka Somalia, kadib, is-casilaadii Ambassador Katherine Simonds Dhanani, oo iyadu xilkaasi loo magacaabay bishii February ee sannadkan.

Is-casilaadeeda ayaa lagu micneeyey arrin Shaqsiyadeed oo ay iyadu codsatay, laakiinse Xeeldheerayaasha Diplomaasiyadda ayaa calaamad su’aal saarayo sababaha iyo xogta rasmiga ee ku khasabtay inay inay is-casisho Ambassador Katherine Simonds Dhanani oo iyadu ah Diplomaasiyad Rug-caddaa ah oo ka soo shaqeysay dalal badan oo Afrikaan ah.

Is-casilaadaasi ayaa ku soo beegantay, xilli ay Dowladda  Federalka Somalia ku naaloonaysay inuu kobco Xiriirka Diplomaasiyadeed ee labada Dowladood.

Dowladda Maraykanka waxay safka hore kaga jiraan  Dowladaha Beesha Caalamka ee Kaalmadda ugu badan ku taageera Dowladda Somalia iyo Hawlgalka AMISOM.

Yabooha Maraykanka kuma koobna Dhaqaalaha oo keliya, balse waxay gacan ka geystaan arrimaha Milliteriga, Samafalka iyo Talloyinka lagu kobcin karo Dowlad-wanaagga, maadaama ay Madaxda Dowladda Federalka weli curdun ku yihiin Nidaamka iyo Maamulka  Dowladnimo.

Haddaba, haddaynu eegno sababaha dhaliyey is-casilaadda Danjiraha Maraykanka uga wakiilka ah dalka Somalia, Ambassador Katherine Simonds Dhanani, waxaa lagu qeexi karaa inay qeyb ka tahay Istaraatijiyadda  dahsoon  ee Maamulka  Madaxweyne Obama ee Arrimaha dalka Somalia, waxaana macquul ah inay jiraan Saluugyo badan oo Saxaafadda ka dahsoon.

Safarkii John Kerry ayaana la hadal-hayaa inay so odedejisay Is-casilaadda Ambassador Katherine Simonds Dhanani, oo iyadu si KMG ugu shaqeynaysay caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Dowladda Maraykanka ka maagaysso inay dib u furtaan Safaaraddii ay ku lahaayeen Somalia, taasi oo la xiray sannadkii 1991-kii, Burburkii Dowladdii Kacaanka kadib.

Is-casilaadeeda ayaa u muuqan karta mid dharbaaxo siyaasadeed ku noqon karta Dowladda Federalka, waxaana dhici karta inay Dowladdo kale qaataan go’aanka Maraykanka oo kale, inkastoo ay Dowladaha ku jira Midowga Europe “EU”-da sheegeen inay dib u furan doonaan xafiiskoodii Muqdisho.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Is-casilaadda Katherine Simonds Dhanani ku soo beegantay xilli xasaasi ah, iyadoo ay Dowladda Federalka horyaallaan Ajendooyin muhiim u ah Taabagelinta Hiigsiga Nabadda, Dowlad-wanaagga, dhamasytirka Hay’addaha Dowladda, Adeegyadda Bulshadda,  Nidaamka Bangiyadda, Ballaarinta Maamulka Dowladda Federalka ee Goballadda, soo-celinta Nabadda,  Dhamaystirka Maamul-gobaleedyadda iyo dib-u-mideynta Qaranka.

Si kastab ha ahaatee, markaynu doc kasta ka eegno, Is-casilaadda Safiirkii ugu horreeyey ee ay Dowladda Maraykanka u soo magacwdo Somalia 25-sanno kadib, ayaa waxay ka dhigan tahay calow-siyaasadeed cusub oo minjixaabin kara xawli-u-socodkii xiriirka Diplomaasiyadda ee labada Dowladood.

 

W/Q : Ustaad Nuradin Abokor Ahmed.

Dalsan Radio

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor