(FAALLO): Maxaa lagu fasiri karaa Mooshinka Xildhibaanadda ee ka dhanka ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ?

In ka badan 90 Xildhibaan oo ka tirsan Barlamaanka Federalka Somalia ayaa Saxaafadda u sheegay inay diyaariyeen Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ku eedeeyeen inuu ku xad-gudbay Dastuurka Qaranka.

Xildhibaanadda ayaa soo bandhigay Qoddobo ay u cuskadeen inuu Madaxweynu ku fashilmay inuu taabageliyo, isla markaana uu ku kacay musuq iyo tacadiyo ka baxsan Xuquuqda Aadanaha.

Qoraalka Mooshinka oo loo soo bandhigay Saxaafadda Maxalliga iyo kuwa Calaamka ayaa waxaa laga dhadhansan karaa inay Xildhibaanadda hor-boodayo Mooshinkaasi yihiin Xildhibaano isku Aragti ah oo ay qaarkooda horey u soo qabteen Xilal Wasiirnimo.

Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil iyo Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre ayaa ka mid ah Xildhibaanadda ugu tunka weyn ee hayinka u haya Moshinkaasi oo la sheegay in loo gudbiyey Xoghaynta Barlamaanka Federalka.

Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil oo ahaan jirey Wasiirkii hore ee Dstuurka ayaa sheegay inay muddo lix bilood ah ku hawlanaayeen sidii ay u diyaarin lahaayeen Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynw Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna Wareysiyo uu siiyey Warbaahinta ku soo bandhigay Eedeymo iyo Dhaliilo uu u jeedinayo Madaxweynaha.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inuu Mooshinkaasi abuuri karo Khilaaf-siyaasadeed oo carqaladayn kara wada-shaqaynta Golayaasha Dowladda, isla markaana wax u dhimayo dareenka Ummadda Soomaaliyeed oo iyagu ku soo daalay Khilafyadda ka dhashay Mooshinadda.

Siyaasi madaxa bannaan ayaa sheegay inuu Mooshinkaasi u muuqdo mid Laab-la-kac Siyaasadeed xambaarsan, oo ay Xildhibaanadda  ka leeyihiin danno siyaasadeed, Dhaqaalo, Xilal iyo Inqilaab Siyaasadeed.

Ma kala cadda ujeedada qarsoon ee laga leeyahay Mooshinka cusub, inkastoo ay Aqoonyahannadda iyo Siyaasiyiinta madax bannaan saluugsan yihiin Moshinkaasi oo ah ii Labaad oo ka dhanka ah Madaxweynaha.

Xildhibaanaddii horey u soo bandhigay Mooshinkii sannadkii hore ayaa waxay ka laabteen Mowqifkooda, iyadoo aysan Xildhibaanadda Barlamaanka ka doodin, kadib, markii  lala galay Xeer Jajab iyo Xaal-mastuur ay ku qanceen, kuna tureen Mooshinkii ay u cuskadeen Qaddiyaddo badan oo dhinaca Sharciga.

Guux Siyaasadeed ee haatan taagan ayaa ah in ay Xildhibaanadda  cuskadaan Mowjadaha Mooshinadda, marka uu culays Dhaqaale ku soo faruurmo, maadaama ay Xildhibaanadda badankooda yihiin Qurbo-joog deggan Hoteelo.

Waxaana isweydiin mudan,   Xildhibaanadda Mooshinka diyaariyey ma waxay qoonsadeen Maamulka iyo Siyaasadda Madaxweynaha ?,  Ma Gorgortan Siyaasadeed baa mise waa Mooshin ka dhashay Jiilaalka Taagan ? Madaxweynuhuse ma  ka badbaadi doonaa Mooshinkan, maadaama uu  kii hore uu si xeelladaysan ku shiiqiyey ?

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor