FAALLO: Maxaa lagu fasiri karaa Booqashadda Madaxweyne Farmaajo ee dalka Masar ?

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta  Booqasho Xasaasi ah ku tagay Caasimadda dalka Masar ee Qaahira, wuxuuna Safarkiisa ku soo beegmayaa Xiisadda Taagan ee ka dhalatay Khilaafka Siyaasadeed ee u dhexeeya Isbahaysiga Dowladaha ay Sacuudiga hoggaaminayso iyo Dowladda Qatar ee go’doominta lagu hayo.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay jiraan Cadaadisyo soo dedejiyey inuu Madaxweyne Farmaajo booqdo Waddan ka mid ah Isbahaysiga Sacuudiga, xilli ay DFS sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay Khilaafkaasi.

Waa hubaal Casuumaadda Madaxweynaha Masar, C/fataax Alsisi u fidiyey Madaxweyne Farmaajo inay noqon doonto mid Xasaasi ah, waxaana la hadal-hayaa inay isla eegi doonaan Qaddiyadda Qatar iyo inay Dowladda Somaalia ka laabato Go’aanka Dhexdhexaadnimadda.

Diplomaasiyiinta Gobalka ayaa rumeysan inuu Madaxweyne Farmaajo wajahi doono Culaysyo Siyaasadeed iyo mid Dhaqaale. Haddii aysan Somalia ka tanaasulin Dhexdhexaadnimada,kuna soo biirin Isbahaysiga Sacuudiga.

Kulanka Farmaajo iyo Alsisi ayaa noqon doona mid aad loogu lafa-guro Khilaafkaasi, waxaana laga yaabaa in la gaaro Is-faham wax ka bedeli kara Go’aanka DFS ee Khilaafkaasi.
Booqashadda Madaxweynaha ayaa ku soo beegantay iyadoo Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Puntland, C/weli Gaas booqday Sacuudiga, isagoo sheegay inuu Maamulkiisa taageersan yahay Isbahaysiga Sacuudiga.

C/weli Gaas waxa uu ka hor yimid Go’aankii DFS ee ay ka qaadatay Qaddiyadaasi, taasi oo dhabar-jab ku noqon karta Meeqaamka DFS ee Go’aan Qaadashadda Heerka Qaran.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Qaddiyadda Khaliijka noqotay Khilaafkii ugu mugga weynaa ee ay DFS uga biyo diidan tahay Khilaafkaasi, iyadoo la og yahay in Dowladdii Federalka ee uu Madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud la safteen Isbahaysiga Milliteriga Sacuudiga Khilaafkii Iiraan iyo Dagaalka lagu hayo Maleshiyadda Xuutiyiinta.

Qoraa Ustaad Nuuradiin

 

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media