(FAALLO): Maxaa ka soo bixi kara Shirka Hoggaamiyayaasha Madasha Wada-Tashiga Qaranka ?

Waa hubaal in Shirka Madaxda Madasha Wada-Tashiga Qraanka maanta uga furmi doona magaalladda Muqdisho uu ahmiyad ballaaran u leeyahay Nidaamka Doorashooyinka dhici doona bisha August ee sannadkan, isla markaana loo baahan yahay inay Hoggaamiyayaasha la yimaadaan Aragti Dheer, Isku-tanaasul iyo Badbaado Qaran.

Hoggaamiyayaasha Heerka Qaran iyo kuwa Heerka Gobaleedka ee xubnaha ka ah Madasha Wada-Tashiga Qaranka ayaa u muuqda inay yihiin Hoggaamiyayaal gacmaha loo geliyey inay go’aan ka gaaraan Masiirka Siyaasadda iyo Dowladnimadda soo socota ee Somalia, waxaana ayaan-darro ah inaysan Hoggaamiyayaashaasi joogin Heerkii laga filayey, hadday ahaan lahaan lahayd Mas’uuliyadda, Khibradda Siyaasadeed, Maamul iyo Waddaniyadda oo asaas u ah qaabka Madaxda lagu doorto.

Hoggaamiyayaasha Madasha Wada-tashiga Qaranka waxaa horey loogu bartay inaysan si waadax ah ugu laab furnayn inay ka hadlaan Danaha Qaranka, waxaana hubaal ah inay ku meereystaan Danahooda Shaqsiyadeed, midda Beeleed iyo midda Deegaameed.

Waana caqabadahaasi waxa xagal-daacinayo in horumar laga gaaro Hadafka loo asaasay Madasha Wada-tashiga Qaranka, waxayna awoodi karin inay dhexdooda ka xaliyaan Khilaafyadda Siyaasadda iyo Maamulka ee taagan.

Waxay door bidaan oo ay ku qanacsan yihiin inay u gar qaadaan Beesha Caalamka oo haatan loo arko Marjaca Kama-dambaysta ee go’aan ka gaari kara Masiirka Somalia.

Haddaba, haddaynu u soo laabano Kulanka Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaranka ee maanta uga furmayo magaalladda Muqdisho ayaa waxaa looga hadli doonaa Hannaanka Doorashooyinka iyo sidii loo heli lahaa Xeelad lagu furdaamin karo Khilaafyadda ka taagan Nidaamka Doorashooyinka.

Nidaamka Doorashadda ee Labada Gole ee Barlamaanka cusub ayaa horey loo iclaamiyey in lagu soo dooran doono Nidaamka 4.5 iyo Nidaamka Deegaanka, taasi oo haatan u muuqato in Aragti Mideysan laga gaaray, balse waxaa weli taagan qoddobo kale oo ay adag tahay inay Hoggaamiyayaasha maanta go’aan middeysan ka gaaraan.

Hoggaamiyayaasha waxay ka doodi doonaan  Nidaamka Doorashadda, Tirada soo xuli doonta  Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka, waxaana jirta inay Madaxda Gobaleedyadda doonayaan in loo madax bannaaneeyo inay soo xushaan Xubnaha saamiga ay ku leeyihiin Barlamaanka Cusub ee Somalia.

Waxaa kaloo dood adag ka imaan karta qaabka farsamo ahaan loo cuskanayo Doorashooyinka iyo in Isfaham laga gaaro qaabka iyo madasha lagu dooran doono Madaxweynaha cusub iyo Guddoomiyaha cusub ee Barlamaanka iyo Ku-xigeenadiisa.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in loo baahan yahay inay Hoggaamiyayaasha shirkooda maanta ku gaaraan Heshiis Farsamo-hoosaad horseedi kara in lagu guuleystp Qabsoomida Doorashooyinka la filayo in lagu soo doorto Hoggaanka cusub ee Qaranka oo kala ah Madaxweyne, Guddoomiye Barlamaan iyo Xildhibaanadda Labada Aqal ee Barlamaanka.

Kulamadii hore ee ay Madaxdaasi u yeesheen ayaa waxaa ka dhex muuqday Dhaqano Ceebaal ku ah Hoggaamiyayaashaasi oo iyagu ay ka muuqato inaysan lahayn Dulqaad Siyaasadeed iyo Aragti Isku-tanaasul leh, si loo badbaadiyo Danaha Qaranka, iyadoo laga  soo kabanayo Burburkii  laga dhaxlay Colaadihii Sokeeye, kuwii Siyaasadeed iyo Dowlad la’aantii ay Soomaalidu horey gacmahooda ugu burburiyeen.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa isweydiin mudan: Shirka Hoggaamiyayaasha Madasha Wada-Tashiga Qaranka ma noqon doona mid lagu aflaxo, mise waxa uu noqon doonaa mid la isku maan-diido? Mise loo baahan doonaa inay Wakiiladda Beesha Caalamka u kala gar qaadaan Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaranka?

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor