(FAALLO): Maarayn la’aanta Siyaasadda Qaranka waxay sii fogeynaysaa baadigoobka Midnimadda.

Burburkii Dowladdii Kacaanka waxaa laga dhaxlay burbur saamayn ku yeeshay Qaranka Somalia, waxaana wada hoobtay Tiirarkii Dowladnimadda, Midnimadda, Nabadda, Horumarka iyo Danaha Qaranka.

Waxaa soo if-baxay Siyaasad-kooxeed iyo mid Beeleed, wuxuuna Qabiil kasta isku arkay sidii  Aarka Somalia ee looga dambeeyo Talada iyo Masiirka Qaranka Somalia.

Siyaasi kasta oo Tala-xume ah waxa uu Qabiilkiisa tusiyey Humaag Dowladeed iyo in Beelaha laga dhex abuuro Colaad, Is-aamin darro iyo in la kala feento Midnimadda Somaliweyn.

Waxaa la qoqobay Maamulo iyo Sohdimo Deegaameed iyo Calamo caynba cayn ah oo uu Maamul kasta u arko Calankii ay ku heleen Xorriyadda.

Waa Riyo Khiyaali iyo Igar Siyaasadeed fogaan arag kooban leh, balse, Hanka noocaasi ah waxa ka daba lumay Kumaan qof oo ay madax martay Qabyaalladda la Dowladeeyey, waxayna Maamulka Qaranka ka door bideen Maamulo lagu qotomiyey hadba Beelaha isku deegaanka, haba kala xigsadaan Maamulladda.

Maamulka la magac baxay Somaliland ayaa Tusaalaha murugadda leh loo soo qaataa, waxayna Siyaasiyiin Danaystayaal oo ka soo jeeday Goballadda W/galbeed Somalia  qabanqaabiyeen Shirweyne Goosad-dooN ah, kaasi oo magaalladda Burco lagu qabtay muddadii u dhexeysay bishii April 27-dii ee sannadkii 1991-kii ilaa 15-kii May ee isla sannadkaasi.

Hanka noocaasi ayaa waxa la dhihi karaa waxa uu dhabar-jab ku noqday Midnimadda Somalia, iyadoo Walaalaha Somaliland oo udub-dhexaad u ahaa  inay Ummadda Soomaaliyeed ku guuleystaan Madax-bannaanida, Midnimadda iyo Israaca dal-weynaha Somalia muddo haatan laga joogo 56 sanno.

Haatan waxaa soo baxay Siyaasiyiin dhamaantooda dhoohane iyo Galti macruuf ka noqday Danaha Qaranka iyo Dib-u-mideynta Walaalaha kala irdhaysan.

Ayaan-darro Siyaasadeed ee ku habsatay Ummadda Soomaaliyeed  waxaa lagu baylihiyey Midnimaddii Dadka iyo Dalka, waxayna dadkii Walaalaha is-jeclaa noqdeen kuwo is-ficilaya oo shisheeye-raac noqday.

Dowladaha deriska ayaana aad ugu farxay inuu dalka Somalia u kala daatay sidii quraaradii oo kale, waxayna haatan heleen Fursad ay ku kala qeybiyeen Walaalaha Soomaalida, waxayna xiriir la xirteen Maamulladda lagu sidkay Himiladda Qabiilka.

Si kastaba ha ahaatee, Hoggaamiyayaasha Siyaasadda ee Somalia ayaa iyagana door biday inay Marjac ka dhigtaan Dowladaha deriska, isla markaana ay ka talo-qaataan.

Waana Sumcad-xumo baahsan oo aan horey loo arag, loona maqal Madax Soomaaliyeed oo hab-dhaqanka haatan jira dabeecad ka dhigatay.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan haddii ay Hoggaamiyayaasha Soomaalida isku tanaasulin, kana shaqeynin Midnimadda Dadka iyo Dalka Somalia inuu dalkeenna khatar u geli karo inay noqdaan Goballo hoos taga Dowladaha deriska.

Waxaana xaqiiqo ah in Maarayn la’aanta Siyaasadda Qaranka inay sii fogeynaysaa Himiladda lagu baadi-goobi lahaa Midnimadda Qaranka Soomaaliyeed.

Markaynu isku soo duubno,  waxaa haboon in ay Madaxda iyo Shacabka Soomaaliyeed mideeyaan Caqligooda, kana shaqeeyaan Dib-u-soo-nooleynta Midnimadda iyo Sharafta Ummadda Soomaaliyeed, si looga baxo Taariikh-xumida taagan iyo in hayin-raac loo noqdo Siyaasadaha Dowladaha deriska iyo kuwa danta ka leh Somalia.

©Radio Dalsan

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor