FAALLO: Isfaham dhamaystiran ma wada gaari doonaan Dowladda Federalka iyo Odayaasha Dhaqanka Reer Hiiraan ?

Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha wada deggan Gobalka Hiiraan ayaa ku soo biiray caqabadihii Dowladda Federalka horey Isbaaradda ugu dhigtay, waana hubaal inay Odayaasha Dhaqanka isa seejinayaan Haybadda Nabadoonimadda iyo Mideynta Ummadda.

Qaar ka mid ah Odayaasha Reer Hiiraan ayaa la sheegaa inay iska dhigteen Heshiis iyo Mucaahado, si aysan uga debcin Mowqifka ay ku diidan yihiin Shirka Maamul-u-samaynta Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe oo in muddo ah gogosheeda fidsan tahay magaalladda Jowhar.

Madaxda Sare ee Dowladda, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaaraha waxay dhowr jeer socdaal hawleed ku booqdeen magaalladda Beled-weyne, si ay Odayaasha Dhaqanka Beelaha ugu qanciyaan in mudnaanta la siiyo Maamul-u-samaynta Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Dhowr kulan oo la yeeshay ayaa laga muujiyey in la isku tanaasulay, laguna Towfiiqsaday in laga qeyb galo Shirka Jowhar, haddana waxaa weli taagan tahay Is-faham la’aantooda.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Odayaasha Reer Hiiraan wax ka didsan yihiin,  isla markaana aysan si cad Madaxda Qaranka si toos ah ugu sheegi la’ yihiin.

Waxaa kaloo muuqata inaysan xaalladu ka marnayn Faragelin Siyaasadeed, iyadoo qaar ka mid ah Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanadda Reer Hiiraan la sheego in ay iyagu dan u arkaan is-marin-waaga u dhexeeya Dowladda Federalka  iyo Odayaasha Reer Hiiraan.

Caqabadaha xilliga looga luminayo Dowladda Federalka ee xilli-hawleedkeeda gabaabsiga yahay waxaa la dareemi karaa inay qeyb ka yihiin Cudud-muujinta Odayaasha Hiiraan iyo Siyaasiyiinta u ololeynayo in la dhiso  Maamul u gaar ah Gobalka Hiiraan ama in wax lagu kala qeybsado Nidaamka 8-gobal ee dalka Somalia.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Dowladda Federalka iyo Odayaasha Dhaqanka Reer Hiiraan laduba wax ka qaldan yihiin, waxaana fiican in Kulamada loo abaaro Ujeedooyinka ku lamaansan Hadafka Qaranka, oo aan Shirarka loo  qabanqaabinin sida  Shirarka Dhaqameedka lagu kala gar-qaadanayo oo kale.

Odayaasha Dhaqanka  Reer Hiiraan waxaa iyagala gudboon inaysan baylihinin haybadda iyo Mas’uuliyadda ay u hayaan Bulshadda, isla markaana aan tixgeliyaan Rabitaanka Dadka Hiiraan iyo Qiimaha ay leeyihiin Dhismaha Maamul-gobaleedyadda.

Dowladda Federalka waxaa looga baahan yahay inay Casharo ka kororsadaan Caqabadaha lagala kulmi karo Maamul-u-samaynta Goballadda, in la fahmo Odayaasha, laguna qanciyo xeellad kasta iyo madal kasta iyo in la dhiso Guddiyo Odayaal-dhaqameed Mas’uul ah, si looga gudbo caqabadaha iyo muranka sii jiitamayo.

Mashaqada Dowladda Federalka maashaynayo waxay kala yihiin Dagaalladda Alshabaab, Caqabadaha Maamulka Puntland ee ay ku diidan yihiin Nidaamka Doorashooyinka 4.5 iyo Odayaasha Reer Hiiraan ee uu ka qabsoomi la’ yahay Maamul-gobaleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa isweydiin mudan Maxaa ka qaldan Dowladda Federalka, Maamul-gobaleedka Puntland iyo Odayaasha Reer Hiiraan, oo iyagu isku fahmi la’ Waaqiciga taagan iyo dhowrista Danaha Qaranka.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor