FAALLO:- Ictiraafka Somaliland ma in lagu gorgotamo baa Qaxootiga ka soo labaanayo Dagalladda Yemen ?

Madaxda Xilligan ka talisa Maamulka Somaliland ayaa waxay ku kaceen Fal aad u xun oo ka hor imaanaya Aadaminimadda, Diinta iyo Dhaqanka, kadib, markii ay go’aamiyeen inaysan Soomaalida ka soo qaxday dagaalladda Yemen ka soo degi karin Dekedda magaalladda Berbera.

Tallaabadaasi ayaa waxaa cambaareeyey Beesha Caalamka, gaar ahaan Dowladaha deriska iyo Hay’addaha Xuquuqda Adaanaha, oo ku tilmaamay go’aankaasi mid Kheyrul-mas’uul ah.

Siyaasiyiinta Somaliland oo ku socda Wadiiqo qarda-jeex ah ayaan ka fiirsanin go’aankooda, waxayna u muuqdaan inay danno Siyaasaddeed ka lahayn inay Qxaootiga Soomaalida hayb-soocaan.

Madaxda Maamulka Somaliland oo iyagu halqabsi u ahaa inay geed gaaban iyoi geed dheer u laaci doonaan ayaa waxay is-tusiyeen inay Indhaha Calaamka soo eegi doonaan haddii ay dad dagaal ka soo qaxay u diidaan inay ka soo degaan Marsadda Berbera.

Ictiraaf-raadiska Somaliland ayaa waxa uu u muuqdaa mid ay Dowladaha Caalamka ka biyo diidsan yihiin, waxaana loo arkaa Ololaha Ictiraaf raadiska sidii calaacasha oo timo ka soo baxaan.

Dadka ku nool Goballadda W/bari, Awdal, Togdheer iyo Sanaag iyo guud ahaan Goballadda Jamhuuriyadda Somalia ayaa ka carooday go’aankaasi, kuna tilmaamay Fal-dembiyeed aan garowshiyo lahayn.

Xeeldheerayaasha Siyaasadda ayaa iyaga falkaasi ku sheegay mid Weji-gabax ku ah Maamulayaasha Somaliland, loona arki karo Dembiilayaal Siyaasadeed.

Mid ka mid ah Siyaasiyiinta ay ka go’an tahay Midnimadda Somalia ayaa sheegay inay doqonimo tahay in Gorgortan iyo Ictiraaf-raadis laga baadi-goobo dadka maatida ee ka soo qaxay Colaadaha Yemen, oo iyagu aan ahayn Wakiilladda Beesha Caalamiga ee Ictiraafka bixin kara.

Kala-qoqob iyo Hayb-sooca ay Xilligan Maamulayaasha Somaliland ku sifoobeen ayaana lagu fasiri karaa mid Burcad-siyaasadeednimo xambaarsan, isla markaana ay Qaxootiga u ciqaabayaan, maadaama ay Beesha Caalamka dhegaha ka fureystaan Codsigooda Ictiraaf-doonka ee soo taxnaa tan iyo bilowgii sannadkii 1991-kii.

Markaynu isku soo duubno, Siyaasiyiinta Somaliland waxaa la gudboon inay ka baxaan Riyo-siyaasadeedka iyo Ictiraaf-doonka, una soo jeestaan Danaha dadka iyo dalka Somalia.

Waxaana lama huraan ah in Waayaha cashar laga barto, illayn  Soomaalida waxay ku maahmaahday:- “Dheddo roob noqon weyday”.

W/Q: Hassan Ali Osman

Twitter@Hassanistiila

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor