(FAALLO): Hiigsigu ma meel fog baa, malabsiga Hantida Qarankuna ma hawraarsan baa!!!?

 

Waagii baryo walalac baa la yiraahdaa, waxyna dadkuna la soo toosaan Himilo iyo Hiigsi Waxbarasho, Tacbasho iyo Nololeed, waana meerto nololeed  joogto ah oo uu Aadanuhu maalin kasta la jaan-qaado, inta uu Rabbi ka oofsanayo.

Hawraarta hordhaca haddaan ka gudubno, waxay Ummadda Soomaaliyeed ka soo kabanayaan dib-u-dhicii siyaasad, dhaqan-dhaqaale, nololeed iyo mustaqbal, waxaana taasi ugu wacan dagaalladii sokeeye ee uu ololkiisu shidayey Hubka faraha badan ee gacanta dadka rayidka galay.

Turunturo siyaasadeed, Shirar Dib-u-heshiisiin iyo Tabaalihii adkaa ee la soo maray ayaa waxaa laga kororsaday Khibrad, waxaana la wada ogaaday inay Nabaddu macaan tahay oo aysan la’aanteeda nolol jiri karin.

Hoggaamiyayaashii Siyaasadda magac kasta ha loogu yeeree waxay ku khaatimeysteen inay ayidaan Dib-u-heshiisiinta iyo Yegleelida Haykal Dowladnimo, iyagoo qeyb ka bud-dhigay Dowladihii KMG ee isaga dambeeyey Talada tan iyo sannadkii 2006-dii.

Xilligan oo ay Dowlad Federal hayinka u hayso Talada dalka ayaa waxaa aad loo hadal-hayaa qaabka looga bixi karo Xilliga Kala-guurka Siyaasadeed ee shidada iyo damaaciga badan.

Waxaa haatan laga dhaqaaqqi rabaa Khadka Siyaasadeed ee Hiigsiga Doorashadda soo socota ee sannadka 2016-ka, waxayna Madaxda iyo Siyaasiyiinta Heerka Federalka ilaa Heer Maamul-gobaleedka waxay ka fekerayaan Istaraatijiyadda Dahsoon ee ay doonayaan inay ku caano-maalaan marka la gaaro Xilliga Doorashadda Qaranka.

Dowladda Federalka oo bilooyin xadidan uga dhiman tahay Xilli-hawleedka Sharciga u oggol yahay inay hayinka u hayaan Talada dalka ayaa waxaa weli ku jira Damac-siyaasadeed iyo inay ku sii nagaadaan Xilalka Qaranka tan iyo sannadka 2020-ka.

Waa Himilo Siyaasi, Waana Hawl mug weyn oo uu ka bixi karo Hoggaamiye karti waddanimo iyo daacadnimo leh, inkastoo Madaxda soo martay dalka ay ku yar yihiin Madax lagu tilmaami karo inay ka nadiif yihiin Sed-bursiga iyo damaca hantida Qaranka.

Hoggaamiye kasta waxa uu xusul-duub ugu  jiraa inuu dhigaal lacageed helo, si uu ugu adeegsado Halganka Doorashadda soo socota, waxayna su’aashu ka taagan tahay Kharajkaasi halkee laga keeni doonaa, ma Khasnadda Dowladda mise ilo kale oo u irmaan.

Siyaasi kasta waa is-dareensan yahay qiimeynta uu Bulshadda ku dhex leeyahay, illayn Soomaalidu waxay ku maahmaahday Fulay xantiisa ma moogo.

Guddiga Madasha Qaranka ayaana waxaa hor-yaalaa inay soo rogaan qoddobo muhiim ah oo Hoggaamiyayaasha Siyaasadeed xakamayn kara, si aysan Hantida Qaranka uga dhiganin Hanti Shaqsiyadeed oo ay kaga gudbaan Ololaha Doorashadda iyo Kasbashadda Cod-bixiyayaasha.

Si kastaba ha ahaatee, dulucda Farriintu waxay ku arooraysaa duxda Oraahda “Geeddiga Hiigsigu ma meel fog baa, malabsiga Hantida Qarankuna ma hawraarsan baa!!!??

TOOSHKA SIYAASADDA

© Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor