FAALLO:- Hawlgalka AMISOM ma la soo af-jari doonaa ka hor Xilli-hawleedka Dowladda Federalka u harsan?

Hawlgalka AMISOM ayaa u muuqda Hawlgal iska furan oo aan lahayn Qorshe iyo Jangoyn Milliteri iyo  Xilli cayiman oo lagu soo af-jarayo Hawlgalka La-dagaalanka Alshabaab.

Hawlgalka AMISOM waxay Sannadkii 2007-dii la kowsadeen Dowladdii KMG ee uu Madaxweynaha ka ahaa Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed, waxayna Ciiddanka AMISOM la tisqaadeen Dowladdii KMG ee Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo  haatan oo ay la sii jaan-qaadayaan Madaxweynaha Dowladda Federalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Madaxweynihii 3-aad ee xilkaasi qabta  tan iyo Imaanshahii AMISOM kadib.

Ilaa 22,000 Askari oo ka kala socda dalalka Uganda, Kenya, Jabuuti, Ethiopia iyo Burundi ayaana qeyb ka ah Hawlgalkaasi oo ay QM iyo Uurka Midowga Afrika ku maalgeliyaan Taageeradda Dowladaha deeqaha bixiya, sida Maraykanka, Britain, Norway, Sweden iyo kuwo kale.

Ergaygii hore ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsanaa Arrimaha Somalia, Nicholas Kay waxa uu dhawaan shaaciyey inay Dowladaha Calaamka taageersan yihiin in Ciiddanka Dowladda Federalka kala wareegaan AMISOM hawlgalka lagula dagaalamayo Alshabaab.

Nicholas Kay waxa uu tilmaamay inay Dowladda Federalka haatan leedahay 20,000 oo Askari, kuwaasi oo la rajeynayo inay la wareegaan Mas’uuliyadda Sugidda Ammaanka iyo Hawlgalka Dagaalka Alshabaab.

Inkastoo uu Xog muhiim ah ka shanqariyey, haddana Diplomaasigaasi u dhashay dalka Britain ma bixinin Ifafaalo muujinaya Xilliga ay Ciiddanka Qaranka Somalia la wareegi doonaan Xilkaasi iyo Xilliga Hawlgalka AMISOM la soo gebagebeyn doono.

Qiimeynta Golaha Ammaanka ee QM ayaa ku salaysan inay had iyo jeer u codeeyaan Xilli-kordhinta Hawlgalka AMISOM, mana muuqato qorshe  ay Golaha Ammaanka ugu codeyn doonaan indhawaan lagu soo gebagebeyn doono Hawlgalkaasi.

Khubarada Milliteriga  ayaa rumeysan inuusan Hawlgalku ku soconin si xawli ah, marka loo eego Sannadaha badan ee uu soo jiitamayey iyo Degmooyinka aysan weli  AMISOM kala wareegeen Alshabaab.

Khubaradu waxay muujinayaan in loo baahan yahay in Taliska AMISOM dib u dejiyaan Kaarto Dagaal oo cusub oo lagu dardar gelinayo Hawlgalka AMISOM, si ay  dadweynaha ku nool Goballadda Somalia fursad u helaan inay codkooda ka wada dhiibtaan Doorashooyinka Madaxweynaha, Tan Guddoomiyaha Barlamaanka iyo Doorashadda Xildhibaanadda cusub ee Barlamaanka Federalka iyo Aqalka Sare.

Xeeldheerayaasha ayaa iyagana dood kulul ka keenayo sababaha Milliteriga Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM uga soo dhaqaaqi la’ yihiin Kismaayo oo ay saldhigteen 16-kii bishii October ee sannadkii 2011-kii.

Diplomaasiyiinta Beesha Caalamka ayaa rumeysan inuu Ciiddanka Kenya iyo Maamulka Jubba ka dhexeeyo Isfaham, isla markaana ku lug leeyihiin Ganacsiga Kontorobaanka Dhuxusha iyo Sonkorta, oo ay horey u xaqiijiyeen Guddiga Kormeerka QM ee Cunaqabataynta saaran dalalka Somalia iyo Kenya.

Taliska Sare ee Hawlgalka AMISOM ayaa loo arkaa inaysan si dhab ah gacanta ugu haynin Hawlgelinta Ciiddanka Kenya iyo kuwa Ethiopia, oo iyagu la dhihi karo waxay Somalia u joogaan si ay uga difaacaan Danaha Qarankooda.

Si kastaba ha ahaatee, su’aasha taagan ayaa waxay tahay Hawlgalka AMISOM ma la soo gunaanadi doonaa ka hor  inta uusan dhamaanin Xilli-hawleedka Dowladda Federalka, mise waxay mar 4-aad la sii jaan qaadi doonaan Madaxweynaha cusub ee la dooran wixii ka dambeeya bisha August ee sannadkan

amisom amisom 2AMISOM 8 AMISOM 5

WQ. Hassan Ali Osman “Istiila”

[email protected]

©Radio Dalsan                                   

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor