(FAALLO): Hamigii Xisbiyadda Siyaasadda oo ay Dowladda Federalka shiiqisay !!!!

Siyaasiyiinta Muxaafidka iyo kuwa Mucaaradka ayaa waxay ku naaloonayaan inay miisaan xooggan ku yeeshaan Masraxa Madaxtinimadda Somalia, inkastoo ay ku kala duwan yihiin Tabaha ay ku gaari karaan Yoolkaasi.

Waa Damac Siyaasadeed Taagan inay Siyaasiyiinta u xusul-duubaan inay Xilal Qaran qabtaan, haba ugu muhiimsanaadaan kuwa isha ku haya Jagooyinka Saresare ee Golayaasha Qaranka iyo Hay’addaha miisaanka leh iyo kuwa loo xusho  in dhaqaale laga tacbi karo.

Tan iyo burburkii Dowladdii Kacaanka, waxaa jahwareer xooggan lagala kulmay Hoggaamiye-kooxeedyadda iyo Siyaasiyiinta ku sidkanaa Beelaha Hubeysan, kuwaasi oo Isbaaro-siyaasadeed ka dhigtay inay ku gorgortamaan Teknikadda iyo Taageeradda Beelaha u jibeysnaa inay awood wax ku noqdaan.

Waxaana Qisooyin caadi ahaa in Hoggaamiye kasta ay Maleeshiyadda Beeshiisa ilaaliyaan, u dagaalamaan, si ay u ilaaliyaan Danahiisa iyo Danata Beeshiisa.

In Hoggaamiye kasta oo Siyaasi noqonayo waxaa khasab ku ahayd inuu yeesho Labaatameeyo Tekniko, Boqolaal Maleeshiyo garaarsan noocyadda Boobayaasha Fudud iyo Qoryaha BKM-ka.

Hardankii Siyaasadeed ee Beelaha Hubeysan ayaa waxay sababi jireen inay dhacaan dagaallo lagu riiqmo, waxaana Loolankaasi hubeysnaa lagu dilay boqolaal qof, laga yaabee inay tiraddu Kumanaan kor u dhaaftay.

Xamaasadii Beeleednimo ayaa si tartiib ah u shiiqantay, kadib, markii ay Bulshadda ka garaadsatay colaadaha sokeeye ee qaabka Beelaha la isugu awr-kacsan jirey.

Hoggaamiyayaasha hubeysnaa iyo Siyaasiyiinta ku gorgortami jireen Beelaha ayaa waxay sannado badan oo ay daadiyeen  xinjiro dhiig ah kadib ayey noqdeen kuwo uu Waayuhu runta u muujiyey.

Bisayl Siyaasadeed iyo in Cahdigii Hubeysnaa laga gudbo ayaa la gaaray, waxaana Siyaasiyiintii ku soo barbaaray Nidaamka Beelnimo  loo geliyey Shaar Qaran, waxaana bilwoday in loo carbiyo Mas’uulnimo iyo in ay ka wada muuqdaan Masraxa Siyaasadda.

Shirweynihii Dib-u-heshiisiinta ee lagu soo dhisay Dowladihii KMG ayeyna Siyaasiyiintii Hubeysnaa xilal ka heleen, waxayna fursad u heleen inay ka xishoodaan  Colaadihii iyo Isbaarooyinka.

Marxalladda Dib-u-dhiska Dowladnimo ayaana lagu kala haray, waxaana soo baxay Siyaasiyiin cusub, kuwaasi oo abuuray Xisbiyo iyo Isbahaysiyo Siyaasadeed oo ay u arkeen inay uga dhex muuqan karaan Masraxa Siyaasadda iyo Hoggaanka Qaranka.

Inkastoo aan weli lagu dhawaaqin Nidaamka Xisbiyadda Badan, haddana waxaa jira Isbahaysiyo Siyaasadeed oo ay ugu tunka weyn yihiin Siyaasiyiinta Damu-jadiid ee loo xagliyo Siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kooxda kale ee Alla-sheekh oo uu isteerinka u hayo Madaxweynihii hore, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Siyaasiyiintii hore, gaar ahaan qaar ka tirsan Ra’iusl-wasaarayaashii, Golihii Wasiiraddii iyo Musharixiintii looga guuleystay Doorashaddii Madaxtinimadda ee sannadkii 2012-kii ayaa dhidbay Xisbiyo Siyaasadeed, waxayna ku haminayaan inay ka qeyb galaan Doorashooyinka Madaxtinimadda ee mustaqbalka.

Xisbiyadda haatan ka dhisan dalka Somalia ayaa waxaa ka mid ah:-

  • Xisbiga Nabadda iyo Horumarka (PDP) oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Hassan Sheekh Maxamuud..
  • Xisbiga Tayo Party oo uu hoggaamiyo Ra’isul-wasaarihii hore ee Dowladdii KMG, Maxamed C/llaahi Farmaajo.
  • Xisbiga Midnimadda Jamhuuriga Somalia, oo uu  hoggaamiyo Ra’isul-wasaarihioi hore ee Dowladda Federalka C/weli Sheekh Axmed.
  • Xisbiga Badbaado Qaran oo uu hoggaamiyo Ra’isul-wasaarihii hore Dowladdii KMG, ahna Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas.
  • Xisbiga  Midnimadda iyo Dimuqraadiyadda oo uu hoggaamiyo Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga, Salaad Cali Jeelle.
  • Xisbiga Midnimo Qaran (NUP) oo uu hoggaamiyo Musharx Madaxweyne, Prof. C/raxmaan Macallim C/llaahi “Baadiyow”.
  • Xisbiga Caddaalaadda Bulshadda (SJP) oo uu hoggaamiyo Guddoomiyihii hore Gobalka Banaadir, ahaana Duqii magaalladda Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan”.

Waxaa kaloo Xisbiyadda Siyaasadda ka mid ah Xisbiga Nabadda iyo Dimuqraadiyadda XisbigaDaljir, Xisbiga Sahan, Xisbiga Hiil Qaran, Xisbiga Kulan, Xisbiga Dadka, Xisbiga Tiir iyo kuwo kale.

Hoggaamiyayaasha Xisbiyadaasi marka laga reebo Xisbiga Madaxweyne Hassan Sheikh waxay ka caroodeen Go’aanka lagu shaaciyey in aysan dhici doonin Doorasho Dimuqraadi ah sannadka soo socda.

Waxayna dib-u-dhigistaasi ku micneeyeen inay Madaxda Qaranka doonayaan in loo kordhiyo Xilliga, inkastoo uu Madaxweynuhu sheegay inaysan jiri doonin Xilli-kordhin marka la gaaro bisha August ee sannadka soo socda.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in loo baahan yahay in la qabto Shirweyne Qaran oo loogu gogol-xaarayo Hoggaanka cusub ee la dooranayo Dowladda Federalka kadib.

Beesha Caalamka waxay ku taliyeen in la qabto Shirar Wada-Tashi Siyaasadeed o oay ka qeyb galayaan Dowladda Federalka, Maamul-gobaleedyadda, Xisbiyadda Siyaasadda iyo Ururradda Bulshadda, si la isugu raaco Qaabka ay noqonayso Dowladda cusub ee loo idman doono inay u gogol-xaari doonta Qabashadda Doorashadda Hal qof iyo Hal cod “One man and One Vote”.

Markaynu isku soo duubno, Hawl adag iyo Hiigsi Qaran ayaa looga baahan yahay Siyaasiyiinta Muxaafidka iyo kuwa Mucaaradka ee hamiga ku haya inay noqdaan Madaxda Dowladda cusub ee la dhisi doono hal sanno kadib Insha Allaahu.

WQ: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor