FAALLO:- Gooni isku-taagga Goballadda W/Galbeed waxaa ka mudan Dib-u-mideynta Qaranka

Ummadda Soomaaliyeed ee uu Rabbi ku uumay carra-edegta Geeska Afrika waa Ummad uu Rabbi ku galadaystay Nimcooyin aysan Bulshaadaha kale ee Calaamka haysanin.

Soomaalida waa dad isku dhaqan, isku diin. Isku luqad, isku dabeecad iyo isku deegaan ah, waana taasi tan sahashay markii Xorriyadda laga qaatay Gumeystayaashii inay Walaalaha ku nool Goballadda Koonfurta iyo Waqooyiga go’aansadeen inay shuruud las’aan u midoobaan, kuna hirtaan hal Qaran, Hal Calan iyo Hal Dowlad oo mideysan.

Bishii June 26-dii ee sannadkii 1960-kii ayey Goballadda W/galbeed xorriyadda ka heleen Gumeystihii Britain, waxaana shan maalmood kadib, oo ku beegnayd bishii Luulyo 1-dii ee sannadkii 1960-kii xornimo helay Goballadda Koonfureed oo uu Gumeystihii Talyaaniga gumeysan jirey.

Isla maalintii July 1-dii waxaa midoobay Goballaddii Waqooyiga iyo Koonfurta, oo isku noqday Qaranka Madaxa-bannaan ee Jamhuuriyadda Somalia.

Niyadsamidii iyo Hilowgii Walaalaha Soomaaliyeed isku hayeen ayaa waxa uu mugdi soo kala dhex galay muddadii ay Dowladda Kacaanka majaraha u haysay Xukunka dalka Somalia, muddadii u dhexeysay sannadihii 1969-kii ilaa bilowgii sannadkii 1991-kii.

Dowladdii Kacaanka ee uu Madaxweyne ka ahaa Marxuum Maxamed Siyaad Barre waxay tacadiyo baahsan ka geysteen Goballadda Somalia, gaar ahaan Goballadda Dhexe iyo kuwa W/galbeed Somalia.

Xukunkii Milliteri ee Keli-taliska ahaa waxa uu gacan bir ah kala hortegay Jabhaddihii Hubeysnaa ee la asaasay bartamihii sannadihii 80-aadkii, gaar ahaan Jabhadihii SSDF iyo SNM.

Tallbooyinkii Milliteri ee ay Dowladdii Kacaanka kala hortagtay Jabhadihii hubeysnaa waxa uu saamayn xun ku yeehay Mooraalka iyo Nolosha dadka ku noolaa Goballadda ay ka soo jeedeen Asaasayaashii Jabhadaha SSDF iyo SNM.

Waxaa dadkii Birri-ma-geydada lagu kacay xadgudubyo baahsan, waxayna Ciiddankii Dowladdii Kacaanka si bareer ah u laayeen dad magac ku dhex lahaa Bulshadda oo aan ku lug lahayn Hawlgalladda Jabhaddaha Hubeysnaa.

Ceelashii Biyaha iyo Inkaaniyaadkii asaaska u ah Nolosha Aadanaha ayaa gebbi ahaan cagta la mariyey, waxaana la soo rogay Sharciyo Adag, Bandow iyo Amar lagu toogan karo Shaqsigii looga shakiyo inuu taabacsan yahay ama ku hayb yahay Saraakiishii ka goostay Milliteriga Qaranka, kuna biiray Talisyadda Jabhadihii Hubeysnaa.

Inkastoo culaysyadda lagu hayey Goballadda Dhexe iyo kuwa W/galbeed ay  ahaayeen kuwo laga uur-xumaaday, ayaa waxaa haddana Walaalaha ku noolaa Goballadda W/galbeed u dheeraa duqeyntii dhinaca Diyaaradaha ee lagu garaacay magaallooyinka muhiimka, gaar ahaan magaalladda Hargeysa.

Kumanaan qof ayaa ka hayaamay Bandowga, Duqeynta, Cunaqabataynta iyo Xabsiga lagu soo rogay Goballadda W/galbeed, waxayna dadkii qaxooti ahaan maciin biday inay u cararaan gudaha  dalka Ethiopia,oo looga ooday Xerooyin Qaxooti ah.

Kacdoonkii Jabhadaha Hubeysan ayaa sii xoogeystay, waxaa kordhay Saraakiisha ka goostay Ciiddamadda iyo inay kordhaan dareenka mucaaradnimo ee lagala soo horjeeday Dowladdii Madaxweyne Siyaad Barre.

Looma kala harin Kacdoonka, xitaa  Fannaaniinta ku soo biiraan Kooxaha ku kacsan Dowladdii Kacaanka, waxayna Fannaaniinta si sarbeed ah u soo bandhigeen Suugaan ay ku cabirayeen Xaalladda la taagan yahay iyo sida ay Dowladdii Kacaanka ugu tumanayso Xuquuqda Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Burburkii Dowladnimo kadib, Jabhadihii Hubeysnaa ayaa ku fashilmay Istaraatijiyad Mideysan oo ay ku buuxin karaan Awooddii Dowladnimo, waxaana bilowday Loolan Siyaasad hubeysan oo u xuub siibtay dagaallo sokeeye oo aad loogu riiqmay.

Kumanaan qof ayaa loo dilay nidaam-beeleed, halka Malaayiin kalena ay u baxsadeen dalalka deriska, waxaana Loolankii Jabhadaha Hubeysan laga dhaxlay Dowlad La’aan iyo Burbur Qaran oo kala dhantaalay Midnimaddii iyo Wadajirkii Ummadeed.

Walaalaha ku nool Goballadda W/galbeed ayaa waxay dib u soo gocdeen Tacadiyaddii ay Dowladdii Kacaanka u geysatay, waxayna Siyaasiyiin cadiifad haysay u ololeeyeen inay ka go’aan Goballadda kale ee Jamhuuriyadda Somalia.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inuu Ra’isul-wasaarihii ugu dambeeyey Dowladdii Kacaanka, Cumar Carte Qaalib oo isaga aan calafsanin xilkaasi inuu udub-dhexaad ahaa go’aanka ay  cadiifadda ka muuqatay ee uu ku amray Taliyayaasha,Saraakiisha iyo xubnaha Ciiddankii XDS ee fariisimadda ku lahaa Goballadda W/galbeed inay hubkooda qaranka ku wareejiyaan Jabhaddii SNM ee ka dagaalami jirtey Goballadaasi.

Amarkaasi ayaana dhabarjab u keenay inuu Ciiddankii Qaranka kala dhantaalmo, isla markaana uu hubkii Qaranka u gacan-galo dad rayid ah iyo Maleeshiyo Jabhadeed.

Intii ay dagaalladda sokeeye iyo qalalaasaha siyaasadeed ka socdeenGoballadda  Koonfurta Somalia, ayaa waxay Walaalaha ku nool Goballadda W/galbeed go’ansadeen inay noqdaan Dal gooni u taagan, laakiinse, ilaa iyo hadda ma aysan helin Aqoonsi Dowladnimo.

Ergooyin ka kala socda inta badan Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka ee  Beelaha wada deggan Goballadda W/galbeed ayaa  waxay Shirweyne ku qabsadeen magaallo-maadaxda Gobalka Togdheer ee Burco.

Bihsii May 16-dii ee sannadkii 1991-kii ayey qaateen Go’aanka Halka Dhinac ee ay ugu codeeyeen inay ka go’aan Walaalahooda kale.

Haatan oo ay Taariikhdaasi ka soo wareegtay muddo 24-sanno ayaa waxaan jirin horumar laga gaaray Gooni-u-istaagga Walaalaha W/galbeed oo iyagu la magac baxay Maamulka Somaliland.

Wada-xaajoodyo Siyaasadeed ayey Hoggaamiyayaasha Siyaasadda ee Madaxda Dowladda Federalka iyo Maamulka Somaliland yeesheen, laakiinse ilaa iyo haatan wax miro-dhal ma noqonin, waxaana jira caqabado ay abuurayaan Siyaasiyiin u arka inay danahooda ku jirto inaan dib loo midoobin.

Waxaa la gudboon Siyaasiyiinta inay si mas’uuliyad leh u fekeraan, kana shaqeeyaan  Danaha Guud iyo Mideynta Walaalaha kala irdhoobay, si ay mar kale u dhistaan  Haykalkii Qaranimo.

Marka doc kasta laga eego caqabaddaha ku hor gudban Xal-u-helista arrimahaasi waxaa la dhihi karaa waxay ku jiraan Siyaasiyiinta Waddaniyiinta oo Kulan Badbaado Qaran yeesha, isku tanaasula, isla markaana Walaalaha Maamulka Somaliland lagu casuumo Awood-qeybsiga dheelitiran ee Xilalka Qaranka, iyadoo la og yahay Xilalka ugu muhiimsan ee ay ku lahaayeen Dowladihii Rayidka ee  xukunka dalka hayey, ka hor Dowladdii Kacaanka.

WQ; Hassan Ali Osman Istiila

Hassanistiila200@gmail.com

Twitter @hassanistiila