FAALLO: Doorashada sannadkan ma noqon doontaa Doorasho ka nadiif ah Cod-iibsasho?

Ifafaalaha Abaabulka Musharaxiinta, Qabanqaabadda  Xafladaha Siyaasadeed, U-ololeynta Doorashadda  iyo Socdaalladda Siyaasadeed ee Taageero-doonka ah ayaa qeyb ka noqday Nolol-maalmeedka xilligan.

Tan iyo markii ay Madasha Wada-tashiga Qaranka isku af-garteen Nidaamka Doorashooyinka waxa uu Musharax kasta u istaagay  inuusan ka harin Tartanka Doorashadda Madaxtinimadda ee lagu madalsan yahay inay Somalia ka qabsoonto dabayaaqadda sannadkan.

Musharaxiinta hanka Siyaasadeed uu ka hayo Kursiga Madaxtinimadda ee aan wada qeybsami Karin ayaa waxay isugu jiraan Siyaasiyiin Rug-caddaa ah, kuwo Layli Siyaasad-barad ah iyo kuwo Musharaxnimaddu ka tahay inay Taariikh ahaan u gasho Diiwaanka Tartamayaasha Madaxtinimadda Somalia.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Doorashadda sannadkan ka xiiso badnaan doonto Doorashaddii afar sanno dhacday ee lagu soo doortay Madaxweynaha iyo Dowladda Federalka ee uu xilli-hawleedkeedu haatan ka harsan yahay  wax aan ka badnayn 5 bilood.

Musharixiintii ku haray Tartankii Madaxtinimadda ee sannadkii 2012-kii ayaa mar kale ku dhaawaaqay inay Musharixiin yihiin, isla markaana ay ku waayo-arag qaateen Tabihii Isreebreebka Musharixiinta ee Doorashaddii 2012-kii.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in ay jiraan ilaa 7 Musharax oo si heer sare ugu diyaar-garoobayo Doorashadda Madaxtinimadda, kuwaasi oo ay Dowlado iyo Hay’addo Caalami iyo kuwo Maxali ah ka haysta Ballanqaad lagu bari-taari doono.

Musharax kasta waxa u degsan waxa ay ugu yaaran  Qorshe-hawleed Qaran, bals laa rumeysan yahay inay iska yihiin Iidheh-Siyaasadeed lagu iib-geynayo Ganacsiga Siyaasadda, si ay taageero uga helaan Cod-bixiyayaasha loo xulayo Doorashadda Madaxweynaha.

Siyaasadda waa Xeellad barxan, waxaana u caado ah inay  Siyaasi-yahannadda meel cidlo ah kaga tagaan Ballanqaad kasta oo ay galaan marka ay ku jiraan Doorashooyinka.

Waana hubaal inay naadir yihiin Musharaxiinta ka dhabayn karaa Qoddobadda ay ku asteeyaan Qorshe-hawleedka, waxaana markhaati laga yahay inay jiraan Musharixiin loo codeeyey, balse ku fashilmay inay taabageliyaan Qoddobaddii ay ballan-qaadeen inay fulin doonaan.

Musharixiinta Madaxtinimadda ayaa waxay culayska saaraan Kharaaj-siyaasadeed ay ku kala furdaamiyaan Xafladaha Siyaasadda, Borobagaandada Xayeysiintooda iyo inay abuurtaan Saaxiibo iyaga u ololeeya, si ay Cod-bixiyayaasha ugu qanciyaan abaalmarin Xilal, mid Kharaj iyo Ballanqaadyo kale oo fulinteeda ku xiran tahay marka uu Musharaxu guuleysto.

Qoddobka Kharaj Siyaasadeedka ayaana ah Hadafka ay musharixiinta ka mideysan yihiin, waxaana la hadal-hayaa inuu Musharax kasta diyaarsaday Khasnadda Kharajka uu ugu talagalay Doorashadda.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay jiraan Musharixiin jeeb buuran, kuwaasi oo ilaa Wareegga ugu dambeeya furan tahay Khasnadda iyo Bangiga Wareegga ee Musharixiinta ku dhex furan goobaha cod-bixinta.

Si kastaba ha ahaatee, Doorashadda Madaxtinimadda ee soo socota oo ay Musharixiinta isku biro tumanyaan ayaa waxaa la isweydiinayaa Heerka Doorashaddu ku noqon karto mid ku dhacda Xaq iyo Caddaalad, waana suurtogal in Doorashaddu noqoto mid lahu kala iibsado Codadka sidii horey looga bartay Doorashooyinkii Goobjoogga loo wada ahaa.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor