FAALLO: Dhismaha Maamul-gobaleedka Bartamaha Soomaaliya oo ay caqabado badan hareeyeen

Goballadda Dhexe ee Soomaaliya, waxaa bilihii la soo dhaafay ka socday Shirar looga tashanayay Maamulka cusub ee Bartamaha Soomaaliya, kaasi oo lagu wado inay ku midoobaan Beelaha Ood-wadaagta ah ee ku wada nol Goballadda Galgaduud iyo Mudug.

Qabanqaabadda Shirka loogu gogol-xaarayo Dowlad-gobaleedka Bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa ka hoos dhashay Shir Dhaqameed lagu heshiisiinayo Beelaha Walaalaha ee ay xurgufta horey u kala gaartay.

Odayaasha Dhaqanka ayaa guddoonsaday inay Shir Dib-u-heshiisiin ku qabtaan caasimad-gobaleedka G/gaduud ee Dhuusa-mareeb, waxayna Odayaasha Beelaha ku guuleysteen in ay Beelihii wax kala tebanayey isku soo galiimaan, lagana heshiisiyo dhacdooyinkii aanada Qabiil.

Dowladda Federalka wey bogaadisay Taabagalka Shirkaasi, balse xaajadda ayaa haatan lala barbar dhigi karaa Ka-daroo Dibi dhal, Waayo Odayaasha Dhaqanka ee ku shirsan Dhuusa-mareeb waxay isku muujiyeen inay yihiin Marjaca Maamul-u-samaynta Bartamaha Soomaaliya, waxayna iclaamiyeen in Doorashadda Madaxweynaha Maamulkaasi lagu qabanayo Dhuusa-ma-reeb.

Go’aankaasi waxa uu oof-wareen ku noqday Dadaalka Dowladda Federalka Qaranka oo Dastuuriyan ah Haykalka ugu sarreeya Talada Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar hawleed ku tegay Dhuusa-mareeb, isagoo kulamo la qaatay Odayaasha Shir-guddoonka ee horey ugu dhawaaqay in ay gogosha Shirka Doorashadda Maamulka Bartamaha Soomaaliya dhigeen Dhuusa-ma-reeb.

Kulanka Madaxweynaha iyo Guddiga Odayaasha oo socday ilaa saqdii dhexe ee xalay waxa uu ku dhamaaday natiijo la’aan, waxayna Odayaasha ku adkeysteen mowqifkooda.

Go’aankooda waxa uu meesha ka saari karaa Jadwalkii ahaa in magaalladda Cadaado lagu qabto Shirka Maamul-u-samaynta Goballadda Bartamaha Soomaaliya.

Isfaham la’aantaasi waxay ku soo beegantay xilli ay Maamulka Ahlusunnah Wal-jameeca ee Goballadda Dhexe humaag geliyeen Wada-shaqeyntii ay Dowladda Federalka la lahaayeen.

Inkastoo uusan ugub ahayn Cabashadda Ahlu-sunnadda Goballadda Dhexe, ayaa waxa uu hadalkooda sii kicin karaa calawsanaanta ka jirta Maamul-u-samaynta Bartamaha Soomaaliya.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay xiisad harreyn karto qorshaha Maamul-u-samaynta Goballadda Bartamaha Somalia, haddii aan la xalinin qaladaadka taagan iyo qolyaha kale ee Isbaaradda Siyaasadeed u taallo iyo kuwo kale ee laga yaabo inay soo baxaan marka lagu guuleysto Doorashadda Madaxwerynaha Dowlad-gobaleedka Bartamaha Somalia.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor