Faallo:- Ambaqaadka Shirka Jowhar waxa udub u ah Midnimadda Odayaasha Dhaqanka.

Madaxweynaha Dowladda Federalka iyo inta badan Odayaasha Dhaqanka ee Reer Hiiraan waxay shalay isla gaareen qoddobo muhiim ah iyo inay Odayaasha ku biiraan Shirka Maamul-u-samaynta Goballadda Sh/dhexe iyo Hiiraan ee ay gogosheedu fidsan tahay magaalladda Jowhar.

Inkastoo Heshiiskaasi lagu tilmaamay Tallaabo horey loo qaaday, loogana gudbay Khilaafkii Taagnaa ee ay Odayaasha Dhaqanka Reer Hiiraan kaga biyo diisanaayeen Shjirka Jowhar ayaa waxaa haddana loo baahan yahay in maanka lagu hayo inuu Heshiiskaasi qabyo ah, loona baahan yahay in la sii dhamaystiro.

Odayaasha Reer Hiiraan ee qaadacay Shirka Jowhar waxay rumeysan yihiin inay Odayaasha kala qeybsameen, isla markaana ay Dowladda eedo ka tirsanayeen oo ay ugu horreyso in la kala furfuray Odayaasha iyo in Odayaal hal Garab ah lagu qanciyey Ka-qeybgalka Shirka Maamul-u-samaynta Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Dowladda ku khasban tahay inay qaado tallaabo kasta oo Odayaasha Dhaqanka looga dhaadhicin karo ka-qeybgalka Shirka Jowhar, waxayna Dowladda muddo dhowr bilood ku mashquushay sidii ay Odayaasha Dhaqanka ugu qancin lahaayeen arrintaasi.

Hab-dhaqanka Odayaasha isku deegaanka ah ayaa ah inay u midoobaan arrin kasta oo ku taxaluqa Dhaqanka, balse, xaalladda ayaa haatan u muuqata mid taagan Nidaam Maamul oo ay Beelaha ku sidkan yihiin.

Hoggaamiye Dhaqameed kastana waxa uu wakiil u yahay Beesha uu Duubka u yahay, isagoo go’aan kastana ku qaata mar uu La-tashiyo la qaato qeybaha kale ee Beesha uu Duubka u yahay.

Marka Odayaasha Dhaqanka ee Reer Hiiraan  waxay badnkooda garwaaqsadeen inay muhiimadda saaraan Danaha Beelaha iyo in Shirka Jowhar laga dhex raadiyo Saami-qeybsiga Beelaha ee dhinaca Maamul-u-samaynta Labada Gobal.

Waana qoddob ay Odayaasha xaq u leeyihiin inay ka fekeraan Masiirka Beelaha ay sutida u hayaan iyo inay  iyaga soo xulaan xubnaha uga mid noqon doono Shirka Maamulka loogu dhisayo Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Haddaba, haddaynu eegno Qoddobadii ay Madaxweynaha iyo inta badan Duubabka Dhaqanka Hiiraan isla qaateen ayaa waxa ugu muhiimsanaa In Odayaasha loo madax-banaaneeyo Agaasinka Shirka Jowhar iyo inay Dowladda fudueeyaan wixii Tas-hiilaad ee lagu ambaqaadi karo Shirka Jowhar.

Waana Aragti wanaagsan in Odayaasha Dhaqanka loo idmado Mas’uuliyadda Shirkaasi ilaa laga soo dooranayo Madaxweynaha, Guddoomiyaha Barlamaanka iyo Xildhibaanadda Maamul-gobaleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Tan kale, Odayaasha Dhaqanka waa inay ogaadaan inay Dowladda Federalka mas’uul ka saaran yahay Danaha Qaranka, isla markaana waa lama huraan inay Dowladda door  ugu badnaan La-talin iyo Farsamo ka geystaan Shirkaasi, si aan loo xagal-daacinin Nidaamka Doorashadda iyo Xulashadda Madaxda cusub ee Dowlad-gobaleedkaasi.

Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanadda Reer Hiiraan ayaa la rumeysan yahay inay isugu jiraan kuwa taageersan doorka Odayaasha Dhaqanka ee Shirka Jowhar iyo kuwo aad u mucaaradsan Ka-qeybgalka Shirkaasi iyo inay Odayaasha Reer Hiiraan u dhega nuglaadaan codsiga Dowladda Federalka.

Waxaana jira Siyaasiyiin si bareer ah u sheegay inay ka soo horjeedaan Heshiiska Madaxweynaha iyo Duubabka Dhaqanka Reer Hiiraan shalay ku gaareen magaalladda Beled-weyne, kuwaasi oo Madaxweynaha dhaliilay, kuna eedeeyeen inuu kala qeybiyey Odayaasha Reer Hiiraan.

Sidoo kale, waxaa jira Siyaasiyiin u riyaaqsan Shirka Jowhar, isla markaana ay ku jiraan Musharixiin damac siyaasadeed ka leh Maamulka loo samaynayo Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Markaynu doc kasta ka eegno, Shirka Jowhar waxa uu aflixi kara marka ay Odayaasha, Siyaasiyiinta iyo bulshadda labada Gobal ku mideysan yihiin Maamulka cusub ee ay dhisanayaan, haddiise ay sii socoto Towfiiq la’aanta xaalladda waxay ku biyo shuban kartaa in Maamulkaasi cusub laga hor yimaado iyo in Maamul kale laga feer qotomiyo sida Maamulka Galmudug oo Maamulka Ahlu Sunna laga dacal dhisay.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor