FAALLO:- Alshabaab iyo Ciiddanka Kenya oo isku bir tumanayo

Warbaahinta dalka Kenya ayaa 24-kii saacadood ee la soo dhaafay waxay hadal-hayeen Gorfeynta dhowr dagaal oo Ciiddanka Kenya iyo Dagaalamayaasha Alshabaab ku dhex maray meel ku dhow Xero ay Ciiddanka ku leeyihiin duleedka Lamu.

Iska horimaadkaasi ayaa u muuqda inuu albaabadda u furay meerto cusub oo dagaal oo labada dhinac dhex mari doono, kuwaasi oo u muuqda in lagu riiqmi doono.

Dagaalamayaasha Alshabaab waxay horey wacad ugu mareen inay magaallooyinka Kenya ka dhigi doonaan balli uu dhiigu qulqulo, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin inay bisha Barakaysan ee Ramadaan Hawlgallo dagaal ka fuliyaan gudaha dalka Kenya.

Muuqaalladda ay Askarta Kenya maanta ku soo bandhigeen maydadka la sheegay inay yihiin kuwa Alshabaab ayaa xaalladda ka sii dari doonto, waayo waa markii ugu horreysay oo ay Askarta Kenya meel fagaare ah ku soo bandhigaan maydadka.

Waa hubaal inay Dagaalamayaasha Alshabaab ka fal celin doonaan dhacdadaasi, iyadoo mid ka mid ah muuqaaladda laga arkayo iyadoo mid ka mid ah shaqaalaha Qeybta maydadka ee Isbitaal ku yaalla Deegaanka Mpekatoni oo lugtiisa ku kor haya mayd halkaasi ku bacaysnaa.

Dagaalkii shalay waxa uu ahaa mid ka mid ah Hawlgalladda qorsheysan ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab ka fulin jireen gudaha dalkaasi.

Dhowrkii isbuuc ee la soo dhaafay, Dagaalamayaasha Alshabaab waxay fuliyeen dabino-dagaal oo ay la beegsadeen Ciiddanka Kenya ee isaga kala goosha xuduudka labada dhinac ee Kenya iyo Somalia.

Khubaradda Milliteriga ayaa rumeysan inay Milliteriga Kenya ku wiiqmi doonaan Taatikadda Dagaal ee Alshabaab, oo iyagu ka tababar fiican Askarta Kenya.

Mashaqadda colaadeed ee haatan ka dhex curatay labada dhinac ayaa la hadal-hayaa inay wejiyo kale yeelan karaan, isla markaana ka baaxad weynaan karto deegaannadda ay saamayn karaan.

Dagaalamayaasha Alshabaab waxay dhowrkii isbuuc ee la soo dhaafay fuliyeen dabino-dagaal oo ay la beegsadeen Ciiddanka Kenya ee isaga kala goosha xuduudka labada dhinac ee Kenya iyo Somalia.

Khubaradda Milliteriga ayaa rumeysan inay Milliteriga Kenya ku wiiqmi doonaan Taatikadda Dagaal ee Alshabaab, oo iyagu ka tababar fiican Askarta Kenya.

Wxaayna Saraakiisha Milliteriga tusaale u soo qaateen Weerarkii Westgate, oo ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku haysteen dhowr maalmood, iyadoo ay Ciiddanka Kenya gacan siinayeen La-taliyayaal iyo ciiddamo shisheeye.

Khubaraddu waxay kaloo rumeysan yihiin  Mashaqadda colaadeed ee haatan ka dhex curatay labada dhinac  inay wejiyo kale yeelan karaan, isla markaana ay ka baaxad weynaan karto deegaannadda ay saamayn karto.

Si kastaba ha ahaatee, Dagaalamayaasha Alshabaab waxay horey Hawlgallo lagu riiqmay ka fuliyeen gudaha dalka Kenya, oo ay ugu dambeysay Weerarkii labo bilood ka hor lagu qaaday Jaamacadda Garissa.

Markaynu isku soo duubno, meertadda cusub ee dagaalka ee Alshabaab iyo Ciiddanka Kenya ayaa waxaa haatan laga dareemi karaa inay isku bir tumanayaan, iyadoo waqti kasta la filan karo hardanka labada dhinac.

© Warqabadka Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor