FAALLO: 73-guuradii ka soo wareegtay Asaaskii Ururka SYL oo ku soo beegantay Mustaqbal la’aan haysata Dhallinyarada Soomaaliyeed.

Maanta oo ay Taariikhdu tahay bishii May 15-da waxay ku asteysan tahay Maalinta dhidibada loo dhigay Ururkii Dhallinyaradda SYL ee Gobanima-doonka ahaa sannadkii 1943-kii.

Ururka SYL waxa uu Udub-dhexaad u ahaa Halgankii Gobanimadoonka ee Ummadda Soomaliyeed ee ay kula dagaalameen Gumeystayaashii kala qoqobay dalkeenna Hooyo, iyadoo Halgankaasi ahaa mid ay u wada mideysnaayeen qeybaha kala duwan ee Ururadda Bulshadda.

Ururkii Dhallinyarada ee SYL waxa unkay 13 Dhallinyaro oo Waddaniyiin ah, kuwaasi oo naftooda, maalkooda iyo maskaxdooda u huray sidii la isaga qaadi lahaa Heeryadda Gumeysiga, loona heli Neecaawda Xorriyadda iyo Midnimadda.

SYL13-kii Dhallinyaro ee asaasay Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee  SYL  waxaa lagu kala magacaabi jirey:

  1. Halyeey C/qaadir Sheekh Saqaawadiin,2. Halyeey Max’ed Xirsi Nuur “Siidii”3. Halyeey Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke.

    4. Halyeey Xaaji Maxamed Xuseen Max’ed.

    5. Halyeey Cismaan Geedi Raage.

    6. Halyeey Dheere Xaaji Dheere.

    7. Halyeey Daahir Xaaji Cusmaan.

    8. Halyeey Cali Xasan Maslax.

    9. Halyeey Maxamed Cali Nuur.

    10. Halyeey Maxamed Faarax Hilowle.

    11. Halyeey Xaaji Maxamed C/llaahi “Xayeesi”.

    12. Halyeey Huudoow Macalin Cabdulle.

    13. Halyeey Maxamed Cusmaan Baarbe

 

Halgamayaashaasi oo loo aqoonsaday inay ahaayeen Halyeeyo Qaran iyo Waddaniyiin waxay  safka hore kaga jireen Kacdoonkii Gobanima-doonka ee  ay Somali-weyn kaga soo horjeedeen  Gumeystayaashii dalkeenna u qeybiyey Shanta Qeybood.

Shucladda Gobanimadoonka ee SYL ayaa la rumeysan yahay inay horseeday Istiqlaalka aynu haatan haysano, waxaana taasi lagu gaaray iyadoo ay Asaasayaashii SYL ka mideysnaayeen Waddaniyadda, Gobanima-doonka iyo Aragtida Somali Xor ah oo Mideysan.

13-kii Dhallinyaro ee asaastay Ururkii SYL waxay nadiif ka ahaayeen Qabyaalladda, Nin Jeclaysiga iyo dhamaan Aragtiyaha kale ee  khatarta ku ah Halganka Gobanima-doonka iyo Midnimadda Ummadda Soomaaliyeed.

Xaqiiqo ahaan, Aragti Fog iyo Maskax Furan ayey ku hawlgaleen Asaasayaasha Ururkii SYL, oo ugu dambeyntii ay ku soo hirteen qeybaha Bulshada, si loo mideeyo Cudada Gumeysi-la-dirirka iyo Gobanima-doonka.

Inkastoo lagu soo aflaxay Halgankii SYL ayaa waxaa  isweydiin mudan 73 sanno, waa side Xaalladda Dhallinyarada Soomaaliyeed? Ma yihiin Waddaniyiin jecel dadkooda iyo dalkooda?

Waa hubaal in Burburkii Dowladnimadda ee sannadkii 1991-kii sababay burbur soo gaaray Dareenka Dhallinyarada, waxayna intooda badan ku lug yeesheen Dagalladii Sokeeye ee lagu burburiyey Dhaxalkii Qaranka.

Sidoo kale, Dhallinyaradda waxay ka qaxaan Dalka Hooyo, iyagoo door biday inay Qaxooti ahaan ugu noolaadaan dalalka shisheeye, gaar ahaan kuwa Reer Galbeedka,

Qulqulka Dhallinyaradda ee Qaxooti-doonka waxa uu horseeday inay dalka ka haajiraan Dhallinyarada wax u baratay, waxaana caadi noqotay Tahriibka Dhallinyaradda oo haatan gaartay meel aan waxba laga qaban Karin.

Madax-marka Tahriibka ee Dhallinyarada ayaa la rumeysan yahay inay u sabab tahay Shaqo La’aan, Nabadgelyo xumo iyo Dowladda oo aan diyaarinin Istaraatijiyad Shaqo iyo Mustaqbal loogu abuurayo Dhallinyarada, oo la og yahay inay yihiin Madaxdii Mustaqbalka.

Barakaca iyo Tiiraanyadda ku lamaansan waxay saamayn ku yeelatay Ummadda oo dhan, gaar ahaan Waalidiinta oo aad uga naxa marka loo soo weriyo Tahriibayaal Soomaali ah oo la dilay, badda ku haftay ama ay Ma-gefayaasha u afduuban.

Haddaba, waxaa lama huraan in loo midoobo sidii loo dhisi lahaa Mustaqbalka Dhallinyarada, iyadoo lagu dhiirinayo Waxbarashadda iyo inay ka xoogsadaan gudaha dalka Hooyo oo uu Kheyraad caynba cayn ah dhex ceegaagaan, bad iyo berry intaba.

Si kastaba ha ahaatee, Munaasabadda Farxadeed ee 73-guuradii ka soo wareegtay Asaaskii Ururka SYL  waxay sannadkan ku soo beegantay iyadoo ay  Dhallinyarada Soomaaliyeed haysanin Mustaqbal Wanaagsan, balse ay wehel u noqdeen Shaqo La’aan iyo inay naftooda ku biimeeyaan Tahriibka khatartiisa xambaarsan.

Xaalladuna waxay taagan tahay Allow Umuuraha sahal !!!

WQ.  Hassan Ali Osman “Istiila” 

Twitter: @Hassanistiila

©Radio Dalsan

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor