FAALLO: 1-da May: Maalinta Shaqaale-weynaha Caalamka

Waxaa maanta Caalamka looga dabaal-degayaa Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka, iyadoo lagu weynaynayo Awoodda Xoogsatada ku dhex leeyihiin doorkooda Mujtamaca.
Dalkeenna, xilligii Dowladdii Kacaanka ayaa waxaa si heer sare ah loogu dabaal-degi jirey Maalinta Shaqaalaha Adduunka, waxaana la dhigi jirey Ixtifaallo iyo Isku-soo-baxyo lagu muujinayo cududa Shaqaalaha.

Xiriirkii Guud ee Shaqaalaha Somalia ayaana inta badan isku soo duwi jirey Jadwalka Munaasabadda 1-da May, waxayna Shaqaaluhu dhoolatus ku soo mari jireen Waddooyinka waa weyn ee Muqdisho, iyadoo Madaxdii Qaranka kala qeyb geli jireen Dabaaldegaasi.

Ururka Shaqada Adduunka ee ILO ayaa inta badan dejisay Sharuucda lagu maamulayo Xoogsatada, waxaana la dejiyey Nidaam lagu muujinayo Xuquuqda Shaqaalaha iyo Shaqada, waxaana la jideeyey  inay shaqaalaha shaqeyn karaan maalintii 8-saacadood oo keliya.

Wixii  ka baxsan xilligaasi, waxay shaqaaluhu xaq u leeyihiin Mushaarka saacadaha dheeraadka ee ay sii shaqeeyaan.

Qofka Shaqaalaha waxa uu Toddobaadkiiba leeyahay hal maalin oo Fasax ah, iyadoo sannadkiina helayo bil fasax ah, iyadoo uu qofka shaqaalaha leeyahay Caymis dhinaca shaqada iyo inuu helo Daawooyin lacag la’aan.

Tan iyo burburkii Dowladnimo ee Somalia ee sannadkii 1991-kii, waxaa meesha ka baxay Xuquuqda Shaqada iyo Shaqaalaha, waxayna Shaqaaluhu rumeysan yihiin inaysan helin Xuquuqdooda Asaasiga, isla markaana ku shaqeeyaan Mushaar aad u yar oo aysan si joogto ah u helin.

Shaqaalaha xilligan waxay yihiin kuwo intooda badan u shaqeeya Shirkado iyo Hay’addo Caalami ah, inkastoo ay jiraan  Shaqaale badan oo iskooda u xoogsada, kuwaasi oo rumeysan inay ka nasiib badan yihiin Shaqaalaha kale ee u dhaqeeya Hay’addaha Dowladda iyo kuwa Shirkadaha.

Qaabka Shaqooyinka ay u qortaan Loo-shaqeeyaasha ayaa ah mid Niyad-jab ku ah Shaqaalaha Aqoonta iyo Khibradda leh, waxaana caadi iska noqotay inay Shirkadaha iyo Hay’addaha ku qaataan Shaqaalaha cusub Nidaam eex, musuq iyo Weji-garasho ah.

Waana hubaal inay shaqaale badan ka cabanayaan Caddaalad-daradaasi, waxaana la dhihi karaa Shaqada la isku siiyo Ehelnimadda iyo Weji-garashadda inay kordhinayso Dhallinyarada shaqa la’aanta la yurura Xaafadaha iyo kuwa Tahriibka naftooda ku biimeeya.

Si kastaba ha ahaatee, Shaqaalaha Soomaalida waxay sannadkan Dabaaldegga Maalinta Shaqaalaha Adduunka kaga qeyb galaan Dabaaldeg iyo Fasax labo maalmood ah, inkastoo ay weli cabasho ka yihiin iyadoo aysan Shaqaalaha Soomaaliyeed ku heer ahayn Xuquuqda ay haystaan Shaqaale-weynaha Caalamka.

WQ: Hassan Ali Osman ( Istiila )

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor