Faahfaahin: Qarax lagu dhaawacay Gabar Weriye ah oo ka dhacay Muqdisho.

Hindo Xaaji Maxamed oo Weriye ka ah Idaacadda Dowladda Federalka ee Radiyo Muqdisho ayaa waxay duhurnimaddii maanta ku dhaawacantay qarax loogu xiray gaarigeeda, xilli ay maraysay agagaarka Isgoyska KM4 ee magaalladda Muqdisho.

Hindo Xaaji Maxamed oo ahayd Xaaskii uu ka geeriyooday Allaha U Naxariiste Weriye Liibaan Cali Nuur ayaa waxa uu dhaawac ka soo gaaray lugta midg iyo gacan, waxaana haatan lagu daaweynayaa Isbitaalka Madiina.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Radio Dalsan inay Hindo Xaaji Maxamed xilliga uu qaraxu qabsaday ka soo rawaxday Jamaacadda Somalia oo ay dhigato, kuna sii jeeday Hoygeeda.

Gabar kale oo gaariga la saarnayd Hindo ayaa la sheegay inay ka badbaaday qaraxaasi oo  u muuqday mid lagu soo rakibay gaariga.

© Radio Dalsan                

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor