Faahfaahin: Weerar Ismiidaamin Ah Oo Saakay Lagu Qaaday Hotelka Saxafi

Dagaalyahano Ka tirsan Al shabaab ayaa aroornimadii hore ee saakay waxaa ay weerar xoogan ku qaadeen hotelka saxafi ee magaaladda muqdisho.

Weerarka ayaa ku bilowday qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa kadibna waxaa si toos ah ku galay rag ka tirsan Dagaalamayaasha Al shabaab.

Tiradda ku geeriyootay waxaa lagu qiyaasay ilaa 15 qof tiro intaasi ka badana waa ay ku dhaawacmeen.

Masuuliyiinta geeriyooday waxaa kamida:

C/rashiid Shire Ilqeyte oo ahaa Milkiilaha Hotelka Saxafi ee magaaladda muqdisho.

Xasan Abshir Faarax oo ahaa Xildhibaan Hore islamarkaana dhawaan iska casilay xilkaasi.

C/kariin Yuusuf Dhage Badan oo ahaa Abaan Duulihii Hore ee Ciidanka xooga inkastoo warar kale ay sheegayaan in uu dhaawac yahay.

dhinaca kale waxaa uu dhaawac soo gaaray Mustaf Safaana oo ka tirsan Radio Shabeele.

Faahfaahinta La Soco.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor