Faahfaahin: Ugu yaraan 7 ruux oo ku geeriyootay Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Gaalkacyo

Ugu yaraan 7 ruux ayaa ku geeriyootay dad kale oo intaasi ka badana wey ku dhaawacmen qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Hotelka Unlaye ee Magaalada Galkacyo.

Dadka Qaraxa ku dhintay Waxaa kamid ah Xisaabiyihii guud ee Wasaarada Maaliyada Puntland ee gobolka Mudug Siciid Cali Yuusuf (Gaadayare ) iyo Xasan Ruush oo hore wasiirka Warfaafinta uga soo noqday Maamulka Galmudug.

Sido kale dadkasi waxa kamid nin da’ahaa oo aragga la’ oo la sheegay inuu dhaqtar u socday marka qaraxa uu dhacay.

Ninka is qarxiyay ayaa la sheegay inuu salaamay Allaha u naxariistee Gaadayare ka hor inta uusan isaga isqarxin sida ila wareedyo ay Radio Dalsan u sheegen.

Ciidamada Amniga Puntland ayaa goobta gaaray haddaba wararka arintaasi la xiriira waxa inoo haya wariye Xasan Anteenna oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo.

Halkan hoose ka dhageyso Wareysi uu Abuukar Dayax la yeeshay Xasan Antenna:-

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor