FAAHFAAHIN :Sarkaal Wasaaradda Waxbashada ka tirsan oo Qarax loogu xiray Gaarigiisa

Gaari ayaa goor dhaw ku qarxay agagaarka cisbitaalka Martiini ee degmada Xamar Jajab ee gobolka banaadir, kadib markii gaarigiisa loogu xiray miino Cabdiqaadir Cismaan Faarax oo ka tirsanaa shaqaalaha wasaaradda waxbarshada.

Afhayeenka G/banaadir C/fatax Xalane ayaa Radio Dalsan u xaqiijiyey, waxaana uu sheegay in lala eegtay mid ka mid ah shaqaalaha wasaaradda waxbarshada ee xukuumada

“gaarigiisa ayaa logo xiray , dhaawac culus ayaa gaaray oo labada lug ayuu ka goáy cisbitaal Martini ayaa loo cararay “ayu yiri Xalane

Gawaarida miinada lagu xiro ayaa waayadan aheyd mid si kordheysay.