Faahfaahin: Rakaab dhaawac gubasho ah ka soo gaaray dabkii ka kacay Diyaaradda Daallo Airlines.

Ugu yaraan labo qof ayaa la xaqiijiyey inuu dhaawac gubasho ka soo gaaray, kadib, markii  uu dab  ka kacay mid ka mid ah Diyaaradaha Shirkadda Daallo Airlines oo xilligaasi ku sii jeeday Jamhuuriyadda Jabuuti.

Diyaaradaasi oo barqanimaddii maanta ka hinqatay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa la sheegay inay si degdeg ah dib ugu soo laabatay Garoonka, kadib, markii uu Duuliyuhu arkay dab ka kacay mid ka mid ah Matooradda Diyaaradda.

Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay inay Diyaaradda dib ugu soo laabatay Garoonka 10 daqiiqo kadib markii ay ka duushay, iyadoo uu qiiq ka baxayo.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista ee Xukuumadda Federalka, Cali Axmed Jaamac “Jangeli” oo la hadlay  Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da ayaa sheegay inay Diyaaradda Daallo Airlines cillad farsamo ku qabsatay Hawada Sare, isla markaana ay si nabad ah ku soo degtay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Waxa uu tilmaamay in la baari doono waxa sababay ciladaasi.

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Jeneral C/raxmaan Tuuryare ayaa la sheegay inuu tegay Garoonka Aden Cadde, si uu ugu kuurgalo khasaaraha ka dhashay dabka ka kacay Diyaaradaasi

Dhinaca kale, Maamulka Shirkadda Daallo Airlines weli kama hadlin Shilkaasi, iyadoo Diyaaraddii haatan taallo meel ka baxsan Dhabaha ay Diyaaradaha ka hinqadaan, kuna soo degaan ee Garoonka Caalamiga Aden Cadde ee magaalladda Muqdisho.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor