(Faahfaahin): Qarax loo adeegsaday Laptop oo dad  ku dhaawacay Garoonka Diyaaradaha ee Beled-weyne.

Barqanimaddii maanta waxa uu qarax ka dhex dhacay mid ka mid ah Basaska ay raacaan dadka ka dhoofaya ama ku soo degayo Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee ku yaalla duleedka magaalladda Beled-weyne.

Ilaa 6 qof ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen qaraxaasi, kuwaasi oo ay jiraan labo qof oo ay xaalladooda aad u liidato.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inuu qaraxu ka dhashay Boorso uu ku jiray Laptop, kaasi oo qarxay xilli ay Ciiddanka jooga Garoonka baarayeen Boorsooyinka laga soo dejiyey Baska ay la socdeen dadka Rakaabka ahaa.

Taliyaha Ciiddanka Boliska ee magaalladda B/weyne, G/dhexe Cali-dhuux Cabdi Mahad ayaa sheegay inay Ciiddanka ku guuleysteen in ay kala furfuran qaraxyo kale oo lagu soo qariyey Makiinadaha Dabaacadda ”Printer Machine”.

Taliyaha waxa uu meesha ka saaray inay qaraxaasi dad ku geeriyoodeen, wuxuuna xusay inay wadaan Baaritaano.

Dhinaca kale, Rakaabkii la socday Baska qarxa ayaa la sheegay in la wada xiray, waxaana ku socda baaritaano.

Waa shilkii Labaad ee Laptop loo adeegsado qarax muddo 2 bilood gudaheeda, iyadoo Falkii hore lala beegsaday Diyaarad Rakaab oo ay leedahay Shirkadda Daallo Airlines, oo ku sii jeeday dalka Jabuuti.

Bishii hore ee Feberaayo 2-dii ayey ahayd, markii uu qarax ka dhex dhacay diyaaradaasi oo nooceedu ahaa Airbus A321, oo ay la socdeen 74-qof oo rakaab ahaa.

Ninkii watay Laptop-ka miineysnaa oo keliya ayaa ku geeriyooday qaraxaasi, kaasi oo markii uu qaraxu dhacay ka dusay mid ka mid ah Daaqadaha Diyaaradaasi.

Hay’addaha Ammaanka waxay magaca ninka geystay qaraxaasi ku sheegeen C/llahi C/raxmaan Boorle, oo macallin ka ahaa Dugsi Qur’aan ku yaalla magaalladda Hargeysa.

DAALLO AIRLINES111

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor