Faahfaahin: Nin Somali oo isagoo mindi badan watay lagu qabtay London oo dhowr sanno ku noolaa dalka Afganistan.

Khamiistii la soo dhaafay Boliska Britain waxay ninkaasi ku qabteen agagaarka Barlamaanka Briain ee Whitehall ee magaalladda London.

Ninkaasi oo lagu magacaabo Khalid Maxamed Cumar Cali oo 27-jir ah ayaa la xaqiijiyey inuu muddo dhowr sanno ah ku maqnaa dalka Afganistan, sida laga soo xigtay mid ka mid saaxiibadiisa hore.

Warbaahinta Britain ayaa sheegtay inuu ninkaasi haysto Dhalashadda British, isla markaana uu Waxbarashadiisa ku so oqaatay magaalladda Tottenham ee Waqooyiga London.

Eedeysanaha waxaa qabtay Saraakiil hubeysan, markii lagu soo wargeliyey inuu duullaan ku yahay Xarumaha Dowladda Britain ee Downing Street.

Boliska waxay 3 Mindi ka heleen meel aan ka fogayn goobtii uu ka dhacay weerarkii uu bishii hore ee March 22-kii Khaalid Masuud ka fuliyey Westminister, ee  uu ku dilay 5 qof, ka hor intaysan Boliska isaga tooganin.

Wararka waxay sheegayaan in Eedeysanaha Soomaaliga ee Khalid Maxamed Cumar Cali lagu qabtay, kadib, markii uu mid ka mid ah Qoyskiisa uu la soo xiriiray Boliska.

Saraakiisha ayaa la sheegay inay sugayeen Eedeysanaha ilaa uu ka soo gaarayo Xayndaabka uu ku sii jeeday, iyadoo ay Ciiddan isku-dhaf ee Bolis iyo MI5 ku raad-joogeen, kadib, markii ay Qoyskiisa u soo fara muuqeen.

Khaalid Maxamed Cumar Cali ayaa la sheegay inuu Socdaal ku tegay Deegaanka Marinka Qasa ee Dhulka Falastiin, balse Maamulka Ururka XAMAAS ayaa u diiday Fasax uu ku sii joogo Marinaka Qasa.

Tobankii isbuuc ee joogay Marinka Qasa waxa uu iskaga so oqaaday Sawiro isagoo xiran Calankja Falastiin, isla markaana hal far wax ku salaamayo.

Sidoo kale, Waxa uu ka mid ahaa dadkii la socday Markabkii Turkishka ee Mavi Marmara, kaasi oo ay Ciiddanka Badda Yuhuudda is-hortaageen Markabkaasi oo ku sii jeeda Marinak Qasa bishii May ee sannadkii 2010-kii.

Hawlgalkaasi waxay Askarta Yuhuudda ku dileen 9 Samafalayaal Turkish ahaa oo la socday Markabkaasi oo Gargaar Samafal  u waday Reer Falastiin.

Khaalid Maxamed Cumar Cali oo Koronto-yaqaan ah ayaa la sheegay inuu yahay Xag-jir ay ku dheer tahay Mad-habta Waabityadda, waa sida ay Boliska Britain sheegeen.

A forensic investigator recovers a knife after man was arrested on Whitehall in Westminster, central London

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media