Faahfaahin ka soo baxayso rag lala xiriirinayo Xarakadda Alshabaab oo lagu qabtay Tanzania

Maamulayaasha dalka Tanzania ayaa sheegayo inay gacanta ku dhigeen 9 qof oo lala xiriirinayo Alshabaab, halka mid kalena la dilay.

Taliyaha boliska Tanzania ee Gobalka Morogoro, Leonard Paul ayaa sheegay inay Eedeysanayaasha ku qabteen Masjid lagu magacaabo The Sun Mosque, isla markaana ay ka heleen boors ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa, Calanka Madow ee Alshabaab iyo Weji-gashi ama Maasgaro.

Taliyaha waxa uu sheegay in mid ka mid ah Eedeysanayaasha la toogtay, kadib, markii uu surka ka jari lahaa  Askari ka tirsan kuwa hawlgalka waday oo la dhaawacay.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha gudaha ee dalka Tanzania, Matiyoos Jikaawa ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka dalka Turkiga ee ANATOLU inay Hay’addaha Ammaanka ku jiraan heegan buuxa, tan iyo wixii ka dambeeyey weerarkii ay Alshabaab bishan April 2-dii ka geysteen Jaamacadda Garissa ee Kenya, kuna geeriyoodeen 148 qof.

Waddanka Tanzania waxaa sannadkii 1998-dii ka dhacay weerar ay Alqaacida ku qaaday Safaaradda Maraykanka ee magaalladda Darasalaam, iyadoo qaraxyadaasi ku geeriyoodeen dad fara badan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor