(FAAHFAAHIN): Hoobiyayaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo ku habsaday Dugsiga Xasan Qariindi ee H/Wadag.

Ugu yaran gabar yar ayaa ku geeriyootay, 8 kalena wey ku dhaawacmeen, kadib, markii ay Tiro Hoobiyayaal ah galabta ku soo dhaceen qeybo ka mid ah Degmadda H/wadaag ee magaalladda Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay qaar ka mid ah Hoobiyayaasha ku dhaceen Dugsiga Xasan Qariindi iyo Xero ay ku jiraan Dadka Barkacayaasha oo ku taalla meel aan ka fogeyn Dhismaha Dugsiga Xasan Qariindi.

Maamulka Degmadda H/wadaag ayaa sheegay inay dadka ku dhaawacmay Hoobiyayaasha loola cararay Isbitaalka, si looga daaweeyo dhaawacyadda ka soo gaaray Qaraxaasi.

 

 

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media