Faahfaahin: Haweeney isa Soo Miidaamisay oo Fulisay Qaraxyadii Maanta Lagu Weeraray Hotelka Central ee Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah oo laga helay Weerarkii Maanta lagu qaaday Hotelka Central ee Magaaladda muqdisho ayaa sheegaya in Qaraxyada ismiidaaminta ah ay fulisay Haweeney isa soo miidamisay.

Tobanan qof ayaa ku dhimatay Weerarkii Maanta oo ay ku jireen Laba Xubnood oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan.

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Soomaaliya ayaa kamid ah Dadkii Weerarka ku dhaawacmay.

salaad Cali Jeele oo hore u soo noqday Xildhibaan Soomaaliyeed  ayaa u sheegay Radio dalsan in Weerarkii maanta ay fulisay Haweeney isku soo xirtay Waxyaabaha Qarxa.

waxa uu sido kale sheegay in uu isaga arkay dhimashadda 5 qof oo halkasi ku dhintay.

Al Shabab ayaa sheegtay Masuuliyadda Weerarka.

 

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor