Faahfaahin: Dhacdada Ilmo agoon oo Sacuudiga laga soo tarxiili lahaa oo Kanada magangelyo ka helay.

Qoys Somali oo ka kooban 10-walaalo agoon ah oo ay wehliso gabar  yar oo 18-bilood jir oo ay dhashay gabdhaha ugu weyn gabdhaha Qoyskaasi ayaa habeenkii Khamiista ee la soo dhaafay gaaray magaalladda Wiinipeg ee dalka Kanada.

Carruurtaasi waxay ka soo dhoofeen dalka Sacuudiga oo ay dhowr sanno ku jireen cabsi la xiririirtay in loo soo tarxiili doono Somalia.

Allaha U Naxariisto Aabahooda oo  ka mid ahaa Qunuslliyadda Soomaalida ku leedahay magaalladda Jeddah ee dalka Sacuudiga, waxa uu u geeriyooday cuddurka Macaanka (Diabetes), sidoo kale, Hooyadooda AUN waxay u geeriyootay cuddurka Kansarka.

Ilmaha agoonta oo da’doodu u dhexeyso 8 jir ilaa 16 jir oo ay wehliso gabadha yar waxaa dalka Kanada keenay Walaalkooda curudka ah, Fatxi Ismaaciil, kaasi oo 17 jir ah.

Ma wataan Dukumentiyadda Waxbarashadda, si loogu qiimeeyo Heerka Fasalka ee ay Aqoontooda gaarsiisan tahay.

Waxaa la sheegay inay Dowladda Sacuudiga ka soo reebeen Dukumentiyaddii Waxbarashadda.

Walaalkooda weyn ee geed gaaban iyo geed sare u laacay sidii uu Walaalihiisa ku keeni lahaa Kanada waxa uu isagu yimid dalka Kanada Bishii October ee sannadkii 2014-kii, wuxuuna haatan deggan yahay magaalladda Winnipeg ee Gobalka Manitoba ee dalka Kanada.

Waxa uu u sheegay Suuxfiyiinta  inay Walaalihiisa khatar kala kulmeen muddadii ay ku noolaayeen Sacuudiga.

“Maalin kasta gudaha Sacuudiga waa Khatar, kuma aysan nabad qabin halkaasi. Haddii loo tarxiili lahaa Somalia, waa la dili lahaa” ayuu yiri Fatxi Ismaaciil oo haatan dhigta Fasalka 12-aad ee Machadka Daniel McIntyre Collegiate Institute  ee magaalladda Winnipeg.

Waxa uu rajeynayaa inuu galo Kulliyadda Injineeriyadda, marka uu dhamaysto Waxbarashadad Dugsiga Sare.

Carruurta Agoonta ee soo gaaray dalka Kanada waxay kala yihiin:  Muna 16-jir, Ayaan 15-jir, Nasiimo oo 14-jir, Huda 13-jir, Maxamed 12-jir, Mustafa 10-jir, Nimca 8 jir, Yaasiin 9 jir, Fahmi 10 jir iyo gabah yar oo lagu magacaabo Kinda oo 18-bilood jir ah.

Agaasimaha Fulinta ee Guriga Dib-u-dejinta iyo Soo-dhaweynta ee dalka Kanada, Karin Gordan ayaa sheegay in Ilmaha agoonta aabahooda ka shaqeyn jirey Qunsuliyadda Soomaaliya ku leedahay magaalladda Jeddah ee dalka Sacuudiga.

Waxa uu intaasi ku daray inay carruurta oo dhan ku dhasheen dalka Sacuudiga, iyadoo hooyadooda u geeriyootay cuddurka Kansarka.

Karin Gordan  oo 69 jir ah waxa uu sheegay in labo ka tirsan Familka oo Sacuudiga ugu socdaalay si ay carruurta u caawiyaan markii ay Waalidkooda geeriyoodeen la dilay markii ay dib ugu laabteen magaalladda Muqdisho.

Waxa uu tilmaamay inay carruurta yihiin kuwo Qurux La-yaab leh, isla markaana nasiib u yeeshay in la keeno Kanada.

Carruurta Agoonta waxay qaarkooda Kanada ku yimaadeen dharka loogu talagalay dhulalka Kulaylaha, mana wadanin dharka Qabowga ee lagu qaato dalalka Qaboobaha, oo ay Kanada ka mid tahay.

Haddaba, haddaynu falaanqeyn kooban ku samayno xaalladda Carruurtaasi, waa hubaal ah in loo garaabi karo Waayaha Adkaa ee ay ku sugnaayeen markii ay Waalidkooda geeriyoodeen.

Waxaan murugo dareemay markii aan akhriyey Dhacdadan, waxayna maskaxdaydu is-weydiisay sida ay Safaaradda Somalia ee Sacuudiga u dayaceen Ubadkaasi oo uu aabahooda ka tirsanaa Qunsulliyadda Somalia ku leedahay magaalladda Jeddah.

Waxaa kaloo ka walaacay sida ay Madaxda Sacuudiga ee ku shaqada leh Socdaalka u cabsi gelin jireen Agoontaasi in loo tarxiilayo Somalia, iyadoo ay carruurtaasi ku wada dhasheen, kuna wada koreen Sacuudiga.

Xitaa haddii aysan Sharci haysanin oo Waalidkooda geeriyooday, waxay Madaxda Sacuudiga ku xadgudbeen Daryeelka ay Diinteenna Islaamka na farayso si loo xannaaneeyo Ilmaha Agoonta ama Yatiimka ah.

Waxaa kaloo Calaamad su’aal dul-saaran ah sida ay Safaaradda iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda u dayaceen carruurta uu ka tegay Hawlwadeenka ka tirsanaa Qunsulliyadda iyo sida ay wax uga qaban waayey Cabsi-gelinta Tarxiilka ee lagu hayey.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Federalka waxaa la gudboon in mudnaanta koowaad la siiyo Masaalixda Muwaadiniinta, mana aha in laga gaabsado in Sacuudiga lagala doodo Dhacdooyinka adag ee ay Muwaadiniinta Soomaalida kala kulmaan dalkaasi, haba ugu horreeyaan Tarxiilka iyo Xabsiga.

CANADA2 orphans Fathi Ismail, CANADA

©Radio Dalsan 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor