Faahfaahin: Dareewalka Agaasimaha Wasaaradda Dastuurka oo la sii daayey.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka ee Xukuumadda Federalka, Maxamed Abuukar Subeyr oo caawa la hadlay Radio Dalsan ayaa sheegay in Dareewalkiisa la soo daayey, kadib, markii ay galabta qabteen Ciiddan ka tirsan Hay’adda NISA, kadib, markii laga shakiyey.

Waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddan ka tirsan NISA ku joojiyeen Dareewalkiisa meel ku dhow Isgoyska Boondheer, kadib, markii uu labada dhinac shaki soo kala dhex galay.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka ee Xukuumadda Federalka, Maxamed Abuukar Subeyr waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddanka u kaxeeyeen Dareewalkiisa Xarunta NISA ee Gobalka Banaadir, balse la soo daayey, kadib, markii isaga lala soo xiriiray, lana aqoonsaday Dareewalkiisa.

“Wax weyn ma ahayn, wey kala shakiyeen labada dhinac oo Bistoolad isku taagay, laakiin, Alxamdu Lilaahi waa la xaliyey kala-shakiga” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka ee Xukuumadda Federalka, Maxamed Abuukar Subeyr.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor