Faah faahino ka soo baxaya qarax khasaaro dhaliyay oo ka dhacay D/Mahadaay

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ka dhacay meel aan ka fogeen Saldhiga Ciidamada dowladda Federaalka Somaaliya ay ku leeyihiin Gudaha degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qaraxa oo ahaa Miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa la dhigay Maqaaxi ku taalla ka soo horjeedka Saldhiga degmada Mahadaay oo dad badani ay ku shaaheeyaan.

Inta la xaqiijiyay Hal ruux ayaa ku geeriyooday qaraxaas halka Sadax qof oo kale ay ku dhaawacmeen sida uu radio dalsan u sheegay qof kamid ah degmada Mahaday kuna sugnaa xili uu qaraxa dhacayay Maqaayada.

Ciidamo ka tirsan kuwa Meyeteriga Somaaliya oo goobta tagay ayaa sameeyay baaritaano walow aysan cid u soo qaban qaraxaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media