Faah faahin:Dagaal markale ka dhacay deegaanka Tuka-raq

Xalay ayaa markale waxaa deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ku dagaalamay Ciidamada maamulka Soomaaliland iyo kuwa Puntland,iyada oo dagaalkaas mid la mid ah uu dhacay shalay Subaxdii hore iyo waliba duhuradii.

In kastoo ay aad u adag tahay helista Isgaarsiintii deegaanka Tuka-raq ayaa hadana dad ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Sool waxa ay sheegeen in ay maqlayeen jugta rasaasta ay isku ridayeen.

Weli lama oga khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada dhinac maadaama ay aheyd xilli habeen ah,waxaana lasoo sheegayaa in xaalad kacsanaan ah weli laga dareemayo deegaanka Tuka-raq.

Masuuliyiin u hadashay labada Maamul ayaa dagaaladii shalay waxa ay ka kala sheegteen in ay guulo waaweyn ka gaareen balse weli majirto masuul soo bandhigay khasaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee dagaalkaasi uu sababay.

Wararkii u dambeeyey ee saakay naga soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in badi dadkii ku noolaa deegaankaas ay barakaceyn,iyaga oo ka cabsiqabo in dushooda lagu dagaalamo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media