Faah faahin:Ciidamada Puntland iyo kuwa Soomaaliland oo dagaalamay

Wararka naga soo gaaraya Gobolka sool ayaa waxa ay sheegayaan in saakay qeybo ka mid ah gobolkaas uu dagaal kooban ku dhex maray Ciidamada Maamulka Soomaaliland iyo kuwa Puntland.

Dagaalka ayaa ka dhacay Buurta labo Magacley ee tukaraq dusheeda ah halkaas oo mararka qaar ay ciidamada labada maamul howlgallo ka sameeyaan,waxana la soo sheegayaa in dagaalkii koobnaa ee saakay labada dhinac halkaasi ku dhexmaray uu sababay dhaawaca hal askari oo ka tirsan Ciidamada Puntland.

Wariyaal ku sugan meel aan ka fogeyn goobta uu dagaalka ka dhacay ayaa waxa ay soo sheegayaan in haatan xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana ciidamadii wada dagaalamay ay dib ugu laabteen afriisimahoodii.

Xiisada Colaadeed ee ka Aloosan Gobolka Sool ayaa sii kordhaysay maalihii la soo dhaafay,iyada oo ergayga gaarka ah ee Qaramada midobay u qaabilsan Soomaaliya uu safar xal raadin ah ku tegay Magaalooyinka Garowe iyo Hargaysa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media