Faah faahin:-Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Xabsiga dhexe

Faah faahino dhaaraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo duhurnimadii Maanta ka dhacay Gudaha Xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa Ruux isasoo miidaamiyay kaas oo isku qarxiyay meel aan ka fogeyn Masjidka ku dhex yaala Xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho.

Qofka ismiidaamiyay ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa Ciidamo tababar uga socdo Gudaha Xabsiga dhexe,waxana xiliga uu qaraxa dhacayay Goobta ku sugnaa taliyaha Xabsiga dhexe walow uusan wax dhiba ah ka soo gaarin qarxaas

Mid ka mid ah ilaalada taliyaha Xabsiga dhexe ayaa la sheegay in qaraxaas ismiidaaminta ah uu ku geeriyooday kadib markii uu celiyay qofka Ismiidamiyaha ah oo ku soo socday Goobta uu ku sugnaa taliyaha Xabsiga dhexe.

Weli laamaha amniga Soomaaliya kama Warbixin xogaha rasmiga ah ee qaraxaas Ismiidaaminta ah ee ka dhacay xabsiga dhexe ee Muqdisho

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media