Faah faahin qarax Muqdisho lagula eegtay Ciidamo ka tirsan AMISOM

Warar dheeraad ah ayaa kas oo baxaya qarax aroornimadii hore ee saakay ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM lagula eegtay Wadada Warshadaha ee magaalada MUQDISHO.

Miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in ay Kolonyo ka mid ah ciidamada AMISOM oo marayay agagaarka Wasaaradda Gaashaandhigga ay la qaraxday.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in qaraxaas uu ku geeriyooday Askari ka tirsan Ciidamada dowladda iyo haweeney xiliga uu qraxa dhayay ay ku dhaawacantay.

Daqiiqado kooban ayaa ciidanka AMISOM  wax ay xireen goobtii uu qaraxa ka dhacay,kuwaas oo mararka qaar rasaas kor u ridayay.

Weli Saraakiisha ciidamada AMISOM kama hadlin qaraxaas lagu weeraray Ciidamadooda iyo khasaaraha rasmiga ah ee soo gaaray.

Wararkii u dambeeyay ee nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayan in iminka xaaladu ay tahay mid degan isla markaana isku socodkii dadka iyo Gaadiidka ay sidoodii caadiga aheyd ay ku soo laabteen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media