Faah faahin:-Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qaraxaan ayaa la sheegay in uu ahaa miinada nooga dhulka lagu aaso waxa uuna ka dhacay Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa waxa ay Radio Dalsan u sheegeen in qaraxaan lala eegtay Gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan dowladda xili ay marayeen agagaarka Jaamacadda Gaheyr.

Qaraxa kadib ayaa Ciidamadu waxa ay rideen rasaas farabadan,waxaana sidoo kale la sheegay in qaraxaas oo uu ku aasnaa Goob uu qashin yaalay ay ku geeriyoodeen laba Ruux oo Shacab ahaa kuwaas oo Wadada marayay.

Xaalada Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa mudo kooban waxaa Hakad galay isu socodka dadka iyo Gaadiidka walow markii dambe ay sicaadi ah ku soo laabatay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media