Faah faahin qarax ka dhacay Ex Koontorool Afgooye ee M/Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Miino oo duhurnimadii Maanta ka dhacay Ex Koontorool Afgooye ee Magaalada Muqdisho kaas oo laga maqlay intiisa badan degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

Qaraxaan ayaa ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga hago,waxana sida la sheegay lala eegtay Gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen Ciidamo ka tiresan dowladda xili uu ku sugnaa Goob Baabuurta lagu aaryeeyo oo ku taalla meel dhowr tallaabo u jirta Isgoyska ex-koontorool Afgooye.

Goobjoogayaal ayaa Dalsan waxa ay u xaqiijiyeen in ay arkeen dhaawaca Saddex Askari oo ka tirsan Milateriga Soomaaliya kuwaas oo ku waxyeeloobay qaraxa balse aysan jirin wax dhimasho ah oo ka dhashay qaraxaas.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa sida la sheegay aheyd Goob ay dad badan oo isugu jira Ganacsato iyo dad Goobta marayay ay ku sugnaayeen kuwaas oo aan waxyeelo ka soo gaarin qaraxa.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa Goobta gaaray kuwaas oo sameeyay  baaritaan kooban wallow aysan dad u soo qaban qaraxaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media